WAJAALE NEWS

“Inta uu Madaxweynuhu Cabdiweli la Hadlayo, waxa ka haboon isagoo Cali Khaliif la hadlo” Xasan Guure

Hargeysa(Wajaalenews)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Naqdiyey Hannaankii ay u dhacday Khudbad-sanadeedkii distooriga ahayd ee uu madaxweyne Siilaanyo ka hor jeediyey Labada Gole Qaran.

Mujaahidka oo la Hadlay HCtv, ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu ka Hadlin waxyaabihii loo baahnaa ee shacabku dhawrayeen, waxana uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay caddaal darrada dalka ka jirta oo uu madaxweynuhu afka ka xidhay,  “Waxay ahayd inuu Madaxweynuhu ka Hadllo Garsoorkii  uu ka caban jirey , waxana aynu ogayn Doorashadii Dawladaha hoose, xataa waxay qabanweyday Dacwaddii ururrada ee ay lahaayeen Codkii si qaldan buu dhacay, berrina Codka dhaca taasaa loo eegayaaye madaxweynow maxaad ugu talo gashay layn waxba kama aad beddeline.”ayuu yidhi Muj. Xasan Guure.

Xasan Guure oo Hadalkiisa sii wata, ayaa  wax aan loo baahnayn ku sheegay inuu Madaxweynuhu Golaha la yimaaddo raaligelin uga timi Hoggaamiyaha Puntland, waxana uu taas tilmaamay in taas beddelkeeda loo baahna inuu Cali Khaliif xidhiidhkiisa Badka keeno, waxana uu yidhi,

“Inta uu Madaxweynuhu Cabdiweli la Hadlayo, waxa ka haboon isagoo Cali Khaliif la hadlo, waayo isagay wax ka dhexeeyaan, waxana aanu leenaya Gobol loo dhan yahay halla isugu yimaaddo.”

Mar uu Mujaahid Xasan Guure Ka Hadlay arrimo dhawaan soo baxayey oo sheegay in Sucuudigu Isticmaalka Dekedda Berbera Weydiistay Madaxwnaha Somalia, ayuu sheegay inay caddayn u tahay hoos udhaca ku yimi qaddiyaddii Somaliland muddadii uu xilka hayey Madaxweyne Siilaanyo, waxana isaga oo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Waxad Mooddaa intii uu Siilaanyo yimi Talada Dalka Qaddiyada Somaliland hoos bay usii socotay, waataana gaadhay in Dekeddii Berbera  la weydiisto Xasan sheikh oo Somaliland Hadal-haynteediiba Riyaallaa ugu dambeeyey.”

 

Exit mobile version