Gorfaynta Heesta ‘Adduunyo’: ‘Ha ku waayin ruux gob ah, Erey aanu kaa geyin’ – W/Q. Maxamed S. Cumar
Guud ahaanba fanka casriga ah ee Soomaaliyeed, tan iyo bilowgiisii, waxa duluc ahaan saydareeyay godka caashaqa ama jacaylka loo yaqaanno. Halkii ay ahayd inuu fanku laamaha nolosha
oo idil isku wada fidiyo, waxa loo adeegsaday doc kali ah. Waxay ahayd inuu fanka Soomaaliyeed noqdo wax ka badan wax loo adeegsado madadaalo iyo haasaawe aan sii ridnayn. Waxa sidoo kale habboonayd in fanku noqdo qalab la isku tusaaleeyo, la isku toosiyo, la isku tilmaamo.
Heestu waa wax sideedaba ka unkama dareenka iyo waayaha qofka halabuuraya, taas oo uu ka curiyo waayihiisa ama waayo kale oo saamayn ku leh. Sidaa darteed, heesi waxa ay macne u samayn kartaa curiyaha iyo cid kasta oo waayahaas ay ku aroorto la wadaaga. Sidaas ayay mar kasta heesuhu u yihiin kuwo buuxinaya kaalin ama kaalmo kooban. Heesaha tirada yar ee marinkaa khilaafay waxa ka mid ah heesta aynnu maanta halkan ku lafaguraynno oo loogu walqalay ‘Adduunyo’, islamarkaana uu halabuuray Xasan Dhuxul “Laabsaalax’.Si ka duwan saamaynta kooban ee heesaha Soomaalidu u badan yihiin, heestani waa hees qof kasta la hadlaysa. Sidoo kale waa hees qof kasta kaalin u buuxinaysa.
Heestani waa hees guud ahaan ba ka duwan heesihii looga bartay hooballada wakhtiyadan dambe aadka loo dhegaysto ee Xiddigaha Geeska. Siyaalo door ah ayay uga duwan tahay heesaha dhiggeeda ah. Ugu horraynba waa hees ujeeddo ahaan uga duwan oo abbaarta ay ku arooraysaa ka goonni tahay heesihii ina dhega barjeeyay. Haddii ay ina daashadeen heeso dhammaantood wada cishqi ah – ammaan, foorjo ama calaacal – tani way ka xeeldheer tahay hawada nafta iyo dareenka dhallinyaranimo.
Waa farriin falsafadeed iyo aragti sal iyo meel kasoojeed leh oo si toos ah uga dabqaadanaysa waayaha nolasha. Waa tusmayn iyo tilmaan dhegayste kasta fekrad ku biirinaysa, haddii aanay ku kordhin na, ku baraarujinaysa. Waa dareen hiil u ah qiyamta suubban iyo qodimmada lama taabtaanka ah ee dadnimada. Waa hees hogatusaale ah oo falanqaynta waayaha adduunyo ee gedgeddoonka badan ku fogaanaysa. Waxay ka warramaysaa falgalka ka dhexeeya qofka iyo hawaalaha adduunka ee ku meersan.
Isbeddalka la mahadiyo ama aan la mahadin ee wakhtiga iyo mawjadaha waayaha ee inta badan sabbeeya ayay heestu ku nasanaysaa. Waxay ina leedahay adduunyadu waa mid wareegta sida giraanta oo isku bedbeddasha sida hadhka iyo labadiisa galin. Sidaa darteed, qofka hayntiisu madhan tahay ee maal adduun ka faro madhani si kasta oo uu u heeryo xun yahay iyo si kasta oo uu waayuhu u gabay lama odhan karo gob maaha. Ama haddii aynnu si kale u dhigno, gobannimada qofku maaha mid xidhan muuqiisa iyo maalkiisa toonna, waa se mid ka soo dhex baxda habfekerka iyo habdhaqanka qofka. Heestu waxay intaas raacinaysaa oo ay ina leedahay yaanay garashada aadamuhu noqonnin mid ka bilaabanta, kuna dhammaata dhaayaha wax arka. Haa. Garaadkaagu ha dhaafsanaado inta ay indhahaagu arki karaan oo rogrog waxyaabaha aanad arki karin ee kaa qarsoon. Taa ayaa muujin karta karaamada Ilaahay aadamaha ku galladay iyo sayidnimadii uumiyaha kale oo dhan looga doortay.
Wakhtigoo mar gudhan baa
Mar godlada barwaaqoo
Waa giraan adduunyadu
Hadba gelinba caynee,
Dadka ruuxa gacan madhan
Inkastoo go’ cawlani
Garabkiisa sudhan yahay
Yaanu waayihii gabay
Kugu odhan gob maahoo,
Waxaad galinba aragtiyo
Hadba dhaayo guudkood
Yay garasho kaa noqon.
Waxa kale oo ay heestu ku doodaysaa: ‘Ma habboona in qofku si degdeg ah u jeclaado ama u naco qof uu hadda uun bartay ama aanu wakhti uu ku dersi karo la wadaagin.’ Si taas la mid ah, ma habboona in ay qofka iskaga khaldamaan nacabkiisa iyo nasteexiisu. Taasi waa barbilowga guuldarrada iyo marin habawga qofka. Tan awgeed ayay heestu inoo leedahay qof kasta oo guushaada necebi ma aha gacalkaa.
Gobannimo ha wada bidin
Ruux aad galab is barateen,
Hana moodin gacalkaa
Guushaada ruux neceb.
Qof maalinta aad u baahan tahay wixii uu ku taro aad abaal badan ugu hayn lahayd yaanu abaalkaa kuu galin maalin kale oo aanu abaal noqon karin.
Adigoo gargaar biday
Ruuxa gacan ku siin kara
Abaal maanta uu gabay
Berri yaanu kuu galin.
Qofka Hadalkiisa iyo da’diisu inay is yeeshaan waa mid muhiim u ah qofnimada qofka iyo qiimaynteeda labadaba. Si taa la mid ah, waa muhiim in qofku hadalladiisa ka fiirsado oo uu in badan ka fekero ka hor inta aanu odhannin. Waa halkii uu Abwaankii hore ka lahaa: ‘Hadal wuxu ammaan yahay, inta aanad odhannine’. Baraarujintaa waxay heestu ku daraysaa waano kale oo ku aaddan saamaynta gurracan ee ay leedahay odhaah aan wacnayn oo si uun uga soo dhacday qofka aadamaha ah. ereyada afkaaga ka soo baxay yaanay noqonnin sabab aad ku weydo mudanta iyo gobta mahuraanka ah ee kugu xeeran.
Cimrigiyo gu’gaagiyo
Garaadkaaga kaashoo
Gurrac hadalka haw odhan
Ha ku waayin ruux gob ah
Erey aanu kaa geyin.
Ugu dambayn, waxaan hambalyaynayaa kooxda Xiddiga Geeska, halabuurka heestan curiyay, miyuusishankaa inoo tumay, iyo heesaaga luuqdiisa inoogu qaaday intaba.
Maxamed Saleebaan Cumar
Email: halabuur@hotmail.com