WAJAALE NEWS

Dowladda Sweden oo qofkii labaad Ee Soomaaliya u Dhashay u Soo Mustaafurinaysa Somaliland Iyo Mowqifka Xukuumadda

Sumaya“Marna ma aqbali doono in dad u dhashay Soomaaliya lagu soo celiyo Somaliland,” Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis.

Stockholm, (Wajaalenews)- Dowladda Sweden, ayaa ku hawlan sidii ay dalkeeda uga soo mastaafurin lahayd haweenay Soomaali ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, isla markaana ay u soo mastaafurin doonaan Somaliland.

Xafiiska Socdaalka Sweden ayaa la sheegay inay qofkii labaad oo ka soo jeeda Soomaaliya u soo dhoofin doonaan Somaliland markii ay cadeeyeen in haweenaydan oo magan-gelyo weydiisatay dalkaasi ay ka been-sheegtay waraysi lala yeeshay oo lagu xaqiijinayey sababta ay maqan-gelyada u doonaysay.

Gabadh magaceeda lagu soo gaabiyey Sumaya, da’deedu tahay 13-jir, ayaa waraysiga lagaga qaaday Imtixaanka Magan-gelyo doonka, waxay ku sheegtay inay ku dhalatay magaalada Buulo-burde ee Soomaaliya, ayaa xafiiska socdaalka ee Sweden sheegay inay ku guul-darraystay qaybo ka mid ah imtixaanka laga qaaday oo xagga laxjadda ah, sidaa awgeedna ay u soo mastaafurinayaan Somaliland

Xafiiska socdaalka Sweden oo mudooyinkii u dambeeyey ku soo rogay dhamaan dadka magangelyo-doonka ee joogay dalkooda inay maraan nidaam lagu kala ogaanayo lahjadahooda, gaar ahaan Soomaalida, inay ka tageen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay sheegeen in gabadhan da’da yari isku qaladday laxjaadda kelmado Af-Soomaali oo imtixaan lagaga qaaday.

Gabadhan magaceeda lagu sheegay Sumaya, ayaa noqonaysaa qofkii labaad ee nidaamkan imtixaanka ku guul-darraystay ee dawladda Sweden sheegtay inay u soo mastaafurinayso Somaliland.

Natiijada ka soo baxday Imtixaanka Sumaya, ayaa lagu sheegay inay isku khaladday laxjadaha laga isticmaalo Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo kelmadihii la weydiiyey ee lahjadda laga Isticmaalo dhinaca Somaliland ku qaladday kelmado laga adeegsado Koonfurta Soomaaliya.

Professor Cabdalla Cumar Mansuur oo wax ka dhiga Jaamacada Roma qeybta lahjadaha oo arrintan Gabadha yar ka hadlay, ayaa sheegay in gebi ahaanba natiijada ka soo baxday nidaamka su’aalaha Sumaya khalad yahay. “Si waadax ah ayey ugu hadlaysaa lahjada Koonfurta Soomaaliya, isku mid maaha lahjada Somaliland iyo Soomaaliya lagaga hadlo,” ayuu yidhi Prof Cabdalla oo u warramay BBC-da.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo khadka telefoonka wax kaga weydiiyey mowqifka xukuumadda ee Soomaalida dalalka Yurub u soo mastaafuriyaan Somaliland, ayaa sheegay inaanay marnaba aqbalayn in Somaliland loo soo mastaafuriyo dad aanay Xukuumad ahaan xog buuxda ka hayn macluumaadkooda, inay u dhasheen dalka iyo sababaha loo soo celinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo wargeyska Himilo la xidhiidhay isagoo ku sugan caasimada Itoobiya ee Addis ababa oo kulamo uu maanta kula yeelanayo Madaxda dalkaas qaarkood, ayaa sheegay inaanay jirin wax xidhiidh ah oo dalka Sweden kala soo yeeshay dadka ay sheegeen inay dib ugu soo celinayaan dalka, waxaanu yidhi, “Ma jiro wax xidhiidh ah oo Sweden nagala soo yeelatay dadka ay sheegeen inay ku soo celinayaan dalka.

Wasiir Biixi ayaa raaciyey, “Ma jirto qof lagu soo celin karo Somaliland ilaa aan xog buuxda ka helo macluumaadkiisa, sababta loo soo celinayo, isla markaana aanu hubino inuu u dhashay Somaliland. Marka na aqbali doono in dad u dhashay Soomaaliya lagu soo celiyo Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku.

Exit mobile version