Gabiley(Wajaalenews)dawlada hoose ee degmada gabiley oo ka mid ah dawladalaha hoose ee dalka ugu dakhliga badan, ayaa awoodi weydey inay shaqaaleheed sii soo mushaaraadkii bilaha ahaa ee ay qaadan jireen. shaqaale weynaha ka hawla gala dawlada hoose ee degmad gabiley ayaan musharaaadkoogii qaadan bishaa laabaad wali, hadaba su,aalaha ay dadweynuhu isweydiinayaan ayaa ah lacagta soo gasha dawlada hoose ee gabiley xageebay martaan? dalwada hoose ee degmada gabiley ayaa waxaa maalinta kasta soo gasha lacag ka badan 40milyan oo somaliland shiling ah oo u dhigan ta $7000, halka bishii ay soo gasho lacag dhan ( $210,000), oo ay maanta shaqaalihii dawlada hoose ay ka mushaar laayihiin safarka maayerka degmad gabiley uu ku tago dalka dibadiis ayaa waxaa ku baxda lacago xad dhaaf ah oo laga saaro qasnada dawlada, safardaasi oo aan habayatraatee waxa f,iido ah uga soo kordhiga gobolka iyo degmadaba. dadka safarada maayerka qiimaya ayaa ku tilmaaya safaradiisaai kuwa dalxiisa ah oo aan qaranka iyo gobolkaba waxa faa,iido ah u layahay sidoo kale sanduuqa lacaga lagu shubo ee ay dawlada hoose ee degmada gabiley ku leedahay bangiga gabiley ayaa dhamaantood madhan, halka bandhiguna uu lacago deyn ah ku leeyahay . si kasta ha ahaatee dakhligan faraha badan ee soo gala dawlada hoose ee degmada gabiley ayaan la garaneyn meel uu maro iyo waxa lagu qabto toona, xukuumada somaliland ayaa dib usoo jaceelin duruufaha qalafsan ee ku gadaaman degmada
C/raxmaan Xaaji