WAJAALE NEWS

DAAWO;Wafti ka Socda Dalka Suudaan Oo ka Soo Dagay Madaarka Hargeysa

Hargeysa(Wajaalenews) Wefti culus oo ka socda Dalka Suudaan ayaa galabta soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana soo dhaweeyey Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo saraakiil kale.

https://youtu.be/FvNTHmD9ebA

Sidoo kale, waxa saraakiisha soo dhaweysay ka mid ahaa wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Somaliland iyo Agaasimaha Baratakoolka.

Weftiga Suudaan oo ka kooban illaa tobaneeyo xubnood lama oga ujeedada booqashadooda hase yeeshee waxa la filayaa inuu xidhiidh la leeyahay wadashaqayn iyo xidhiidh wanaagsan oo labada dal wada yeesheen tan iyo intii ka danbaysay sii daynta Markabkii Hubka siday ee Somaliland ku qabatay Marsada Berbera.

Sidoo kale, weftigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad dagaal ka aloosan tahay Dalka Yemen kaasoo Suudaan ay ka mid tahay isbahaysiga Sucuudiga ee la dagaalamaya Xuutiyiinta.

 

 

Exit mobile version