WAJAALE NEWS

DAAWO: MUUSE BIIXI OO HADAL UU BAAHIYAY SHALAY MAANTA BURINAAAYA

Hargeysa(W.N): MUJAAHID MUUSE BIIXI CABDI ayaa caawa war saxaafadeeduu soo saaray ku beeniyey hadal uu dhawaan baahiyaya halkan hoose ka daawo warsaxaafadeedka iyo hadalkuu baahiyay oo is burinaaaya :
waa kan hadalkuu baahiyay mujaahid muuse biixi ee daaho kadibna eeg warsaxaafadeedkuu caawa soo saaray:

halkana ka akhriso warsaxaafadeedkuu caawa soo saarey:
WARSAXAAFADEED XISBIGA KULMIYE
Ujeeddo: Beenin War
Waxa maalintii Salaasadda ee taariikhdu ahayd 03/03/2015 lagu daabacay warbaahinta qaarkood war la xidhiidhay hadal dardaaran iyo tilmaan ahaa oo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi jeediyey, balse saxaafadda qaarkeed, gaar ahaan Wargeyska HIMILO si cad u marin-habaabiyey oo aflagaado ku ah culimada oo dalkan iyo dadkiisaba karaamo iyo qadarin ka mudan.
Haddaba, waxa xisbiga KULMIYE u caddaynayaa shacabka reer Somaliland in warkaasi ahaa mid si been-abuur cad ah loo dhigay sida Wargeyskii baahiyeyba ku saxay cadadkiisii maanta (04/03/2015).
Gabogabadii, aflagaadada birmagaydadu maaha dhaqanka Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbiga KULMIYE toona, waxaannuna warbaahina uga digaynaa faafinta wararka been abuurka ah ee ka soo horjeeda anshaxa iyo xeerka saxaafadda dalka.
ALLAA MAHAD LEH
Mustafe Iid Maxamed
Agaasimaha Xafiiska Maamulka, Xisaabaadka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE

Exit mobile version