WAJAALE NEWS

Ciidanka Itoobiya Oo Hawl-gal Dhaawac Sababay Ka Fuliyay Buuhoodleh Iyo Xukuumada Somaliland Oo Ka Gaabsatay.

Hargaysa(Wajaalenews)Ciidamada Itoobiya oo ku Gashaaman Hubka Culus ayaa xalay hawlgal muddo kooban socdey ka sameeyey gudaha degmada Buuhoodle ee Somaliland.

Ciidanku waxay magaalada soo galeen fiidnimadii xalay iyagoo isku dayey inay qabtaan nin macallin ah oo dugsi Qur’aan ku haysta Buuhoodle.

Macallinka oo lagu magacaabo Cabdullaahi, deegaan ahaanna kasoo jeeda gobollada koonfurta Soomaaliya waxaa u suuro gashay inuu baxsado kaddib markii ardeydiisu dhagxaan iyo buuq kala hortageen ciidamada.

Rasaas ciidanku fureen buuqa kadib waxaa dhaawac fududi kasoo gaarey hal qof oo dumar ah, taasoo markii dambe loo qaadey dhanka magaalada Garoowe si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sababta ciidamada Itoobiya u doonayeen inay ninkaas u qabtaan, balse wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tibaaxaya in looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Xukuumada Somaliland oo Maamushay Gobolka Buuhoodle Ayaan ilaa hada ka hadal Sababta Ay Ciidanku Gudaha ugu Soo galeen Xadka Somaliland oo Kaabiga u ah Xadka ay somaliland wadagaan Xukuumada itoobiya.

 

 

Exit mobile version