Born(wajaalenews(Mintidiinta ka dagaallanta Dalka Nigeria Boko Haram ayaa la sheegay in ku dhowaad 64 ruux ku dileen tuulo ka tirsan Gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria, iyagoo dab qabadsiiyay guryihii ku yaalay tuuladaas.
Dad ka bad baaday weerarkan ayaa sheegay in dableyda ka tirsaneyd Boko Haram ay soo galeen Tuulada Njaba, kadibna ay bilaabeen inay beegsadaan ragga
Weerarkan ayaa dhacay subaxdii hore ee Arbacadii, inkastoo aan si deg deg ah looga soo warbixin weerarkan, maadaama deegaanka uu ahaa mid fog oo aan isgaadhsiinta ku wanaagsanayn
Boko Haram ayaa kumanaan ruux ku dishay weeraro ay ka geysatay waqooyi bari Nigeria, iyadoo magaalooyinka waqooyiga ku yaal ay ka jiraan degenaansho iyo cabsi.
Tuulada Njaba ayaa ilaa 100-km koofur ka xigta Caasimada Maiduguri, halkaasoo tiro dhowr jeer ah ay weerartay Boko Haram.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Nigeria ay wadaan dagaal ka dhanka ah Boko Haram, waxaana dagaalka qeyb ka ah ciidamo ka socda wadamada deriska ah sida Cameroon, Chad iyo Niger