WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Amar Sirdoonka Dalku Ku Mustaafurinayey Abukar Qaad-diid.

Waxa La Faray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inaan Abukar Cawaale Qaad-diid dalka laga mustaafurin karin

Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa meesha ka saartay Amar hore uga soo baxay Waaxda Socdaalka Dalka oo sheegayey in Abukar Cawaale Qaad-diid uu dalka kaga baxo sida ugu dhaksaha Badan, kadib markii lagu eedeeyey inuu Arrimo la xidhiidha Kooxda Khaatumo ku lug yeeshay.

Sida ay Wararku sheegayaan waxa ay Madaxtooyadu ku warheshay Hadalladii Abukar Cawaale ka sheegay Warbaahinta markii Amarkaas la siiyey kadib baadhitaan iyo Su’aalo Laanta Socdaalku Weydiisay, waxana ay farogelisay Kiiskaas, iyadoo markii dambe amartay inaan Ninkaas laga saarin dalka.

Waxa La Faray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inaan Abukar Cawaale Qaad-diid oo haysta Dhalashada Waddanka Britain dalka laga mustaafurin karin oo uu inta uu doono uu joogi doono, isla-markaana uu wadan doono Barnaamijyadiisii caadiga ahaa oo qaarkood maanta muddaysnaayeen.

Warka Soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxtooyadu si gaar ah Raalligelin ugu dirtay Muwaadinkaasi, isla-markaana Saraakiil Madaxtooyada katirsan ugu tageen Hutelka uu deggen yahay, halkaas oo ay ugu sheegeen inaanay raalli ka ahayn waxa lagula Kacay.

Taliska Waaxda Socdaalka Somaliland oo markii hore gees iskaga duway inuu Arrintaas ku lug lahaa, ayaa Markii dambe qaatay Amarka xagga sare kaga yimi, waxana ay ku wargeliyeen Abukar Cawaale inuu dalka sii joogi doono.

Dorraad ayey ahayd markii uu Abukar Cawaale Qaad-diid oo Somaliland u yimi Barnaamijyo ka dhan ah Qaadku uu Warbaahinta la Hadlay Xilli uu ilmaynayey, waxana uu sheegay in Waraysi dheer oo Saacado lala yeeshay kadib lagu wargeliyey inuu sida ugu degdegga Badan dalka uga Baxo muddo kooban, waxana ay Arrintaasi keentay dareenka shacabku ka bixiyaan Noqdo mid aan Wanaagsanayn

Exit mobile version