WAJAALE NEWS

Xadka Djabouti Xidhatay Ma Waxa Lala Sugayaa Inuu Ka Hadlo Wasiiru Khaarajiga Soomaaliya Sidii Kii Macdanta Ee Siimoodi?

“Deegaanba awr baa

Ku kor doobinaayoo,

Waxay daawadaan hebel

Lagu yidhi dartiin baa

Duubka loogu xidhayoo,

La yidhaahdo, “Kama-dege”;

Durbaan bay u tumayaan

Intuu dooddiyaayoo

Hadday cidi danqaabtana

Dirir bay ka xigayaan;

Nin daardaari kara ma leh;

Marka uu duryaa baa

Laga daba qufacayaa.” (Gaariye)

Akhriste: Nasiib darooyinka maanta qaranka Jamhuuriyada somaliland ku habsaday waxa kamid ah in xukumada uu hogaaminayo Axmad Maxamad Maxamud Siilaanyo aanay wax jawaaba kabixin xadhiga xuduudka udhexeeya jamhuurida Djibouti iyo jamhuuriyada soomaalilanad kaasi oo imika xidhanaaa muddo ku dhaw todobaad.

Haddaba markaynu dib umilicsano sida taariikhda ku xusan madaxwayne Cigaal inuu ugu jawaabay markay xidheen xududka dhulka, aniguna waxaan xidhay macallaa ka Cirka, markaa halkaa waxa inooga muuqda in madaxwayne cigaal uu fulinaayay sunihii dawladnimo ee dastuurka qaranka jamhuuriyda somaaliland dhigayo.

Haddaba madaxwayne siiraanyo ayuu la sugayaanay inay jawaab kabixiso xadhiga xuduudka jamhuuriyada djabouti inoo dhaxeeya? taloow ma sidii siimoodi uu uga hadlay wasiirka macdanta soomaaaliya ayuu la sugayaa inuu uga hadlo ka arimaha dibada ee soomaaliya?

 

Dhinaca kalana waxa maanta dhamaanteen inoon cadaatay inuu maxdaxwaye siilaanyo uu ku guuldaraystay inuu qabto doorashada madaxtinimada isaga oo inooga fadhiya inuu inagahelo muddo kordhin qarul dastuuri ah, sidaadarteed, siiraanyo waxa uu burburiyay nidaamkii maamul ee qaranka jamhuuriyada soomaaliland

Shacabkana waxaan kuboorinayaa inaan Geela loodirin Ninkii Maqasha daayacay.

ALLAA                               MAHAD                                               LEH

SEmail: xamse_xxc@hotmail.co.uk

Phone: 063 4488784

Exit mobile version