WAJAALE NEWS

Wasiir Samaale Oo Ahaa Wasiirkii Ugu Cuslaa Oo Ku Gacansaydhay Madaxweyne Siilaanyo Kuna Saluugay Xilka Cusub Ee Uu Xalay U Magacaabay

IMG_4691 (2)
Hargeysa(W.N):Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada somaliland cabdi casiis maxamed samaale oo ahaa wasiirka ugu saamaynta badan uguna cuslaa golaha wasiirada somaliland ayaa xalay isku shaandhayyntii uu sameeyay madaxweyne siilaanyo u magacaabay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sarre isagoo wasaaradiisii maaliyadana u magacaabay wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada marwo samsam cabdi aadan.
wasiir samaale ayaa mar uu la hadlay idaacada bbcda u sheegay inaanu ku qanacsanayn xilkan loo magacaabay isagoo ku sababaeeyay inaan lagala tashan
arintan ayaa saamayn xoogan ku yeelan doonta xukuumada madaxweyne siilaanyo, maxaa yeelay wasiir samaale ayaa ahaa shaqsi wax badan ka gedaanaa isla markaana ka gufayn jiray madaxweyne siilaanyo
si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalin karayn hadii ay xukuumada madaxweyne siilaanyo weydo wasiirka miisaanka leh ee samaale iyo shacabkiisa sida ay ku danbayn doonto waxaana uu ahaa wasiir samaale shaqsiga kaliya ee isku hayay xukuumada iyo gobolka uu ka soo jeedo ee gabiley oo uu wasiir samaale saamayn baaxad leh ku lahaa hadii uu sidaa ku tago samaalena madaxweyne siilaanyo muu waayin wasiir kaliyaata balse waxaa galbaday gobolkii gabiley oo awelba tabasho badan ka tirsanayay

Exit mobile version