WAJAALE NEWS

Madaxweynaha jsl Oo Tacsi u diray Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)

         IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo qarankaba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version