WAJAALE NEWS

Madaxweynaha JSL Oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Dawlada Kuwait

HAMBALYO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dawlada Kuwait oo u dabaal degidoonta beri (25/02/2015), sannad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Kuwait awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo guud ahaan shacbiga kuwait oo ah dal iyo dad ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dawlada iyo sahcbiga reer Kuwait Alle uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL

Exit mobile version