WAJAALE NEWS

Khilaaf Horleh oo ka dhex Curtay Wasiirka Warfaafinta iyo Maareeyaha Tv-ga Qaranka.

Hargeysa(Wajaalenews)Khilaaf hor leh ayaa mar kale ka dhex qarxey Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali-Gaas,khilaafkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii wasiirka Cukuse joojiyey in uu baxo barnaamij magaciisa la yidhaahdo Bandhig-Hibeedka oo dhawaan laga bilaabay telefishanka qaranka, Maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali-Gaas –na uu meel adag iska taagey go”aanka wasiirka

Wasiir cukuse ayaa qoraal uu shalay u diray guddiga hagaysay barnaamijkaas, tifaftiraha telefishanka, madax qaybeedyada Telefishanka iyo madaxa barnaamijyada Telefishanka wuxuu ku amray in barnaamijka la hakiyo intii muddo ah islamarkaana aanu ka bixi Karin telefishanka.

Hase yeeshe Maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali-Gaas ayaa isna qoraal uu shalay u kala diray guddiga barnaamijka hagaysa, titifaftiraha Telefishankan, madaxa barnaamijyada, madax qaybeedyada Telefishanka iyo agaasimaha farsamada ee wasaaradda wuxuu ku amray in la sii daayo barnaamijkaas uu wasiirku joojiyay isagoo amray in barnaamijyada duuban sidooda loo sii daayo, isagoo xusay in wixii dambena la isla eegi doono, waxaanu nuqul ogaysiin ah qoraalkiisa u siiyay wasiirka warfaafinta.

Warqada Wasiirka

Warqada wasiir cukuse oo ku taariikhaysnayd 14/02/2015, ayaa u dhignayd sidan, ” Ujeedo: Hakin Barnaamijka bandhig hibeedka. Sidaad la socotaan Barnaamijkan oo qiime weyn ku fadhiya, waxa soo baxay inuu maamul xumaystay bilowgiiba.

Sidaa awgeed, si qalooca maamul looga saaro oo loo toosiyo, waxa la idin farayaa in barnaamijka la hakiyo intii muddo ah, kamana bixi karo Telefishanka qaranka, inta ay hawshaas loo hakiyay dhammaanayso.”

Warqada Maareeyaha

Hase yeeshe wakhti yar ka dib amarka wasiirka, waxa isna qoraal kale oo u muuqda burin amarka wasiirka soo saarya maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali-Gaas, oo yidhi, “Ujeedo: Sii dayn barnaamijka bandhig hibeedka. Tixraac warqada sumadeedu tahay WWW/XW/135/02/2015, sida aynu la socono barnaamijka bandhig hibeedku waa barnaamij ku cusub telefishanka qaranka islamarkaana ay si weyn ugu soo xidhmeen dadweyne badani ahmiyad weyna ugu fadhiya mujtamaca dhallinyarada reer Somaliland ee jecel fanka iyo suugaanta.

Sidaas daraadeed waxaan idin farayaa inaad tixgelisaan qoraalka wasiirka balse aad u madaxbanaan tihiin dejinta barnaamijyada idinka la idinkala xisaabtamayo.

 

Haddaba wixii barnaamij ah ee duuban waa in sidiisa loo sii daayo, wixii dambena waa la isla eegi doonaa.”Labadan qoraal ayaa u muuqda kuwo muujinaya inuu mar kale soo noolaaday khilaafkii mudada dheer u dhexeeyay Wasiirka warfaafinta iyo maareeyaha telefishanka qaranka oo muddo kooban suursanaa.

Exit mobile version