WAJAALE NEWS

Hadaad Boodo Aniguna Waan Garriiraa….Sheeko Xiiso Badan, Qalinkii Iid Muuse Muxumed

halkan hoose kaga bogo sheekadaas oo dhamaystiran

Si uu xayn yaroo adhiya oo ay lahayd u dhaxlo darteed ayuu guur ugu bandhigay, Iyaduna midh iyo laba caruur ah oo xoolahan u hadha bal in ilaahay kaa siiyo ku fikirtay…….Mudo markuu qabay ayuu is idhi Habartan maad is dhaafisid, isagoo taas u meel samaynaya ayuu ku yidhi ‘’ Qamareey Ceeb kale ma lihiye Mar mar baan yar boodaa’’ Iyana waxay tidhi ‘’ Qodaxoow geed kasta in gubtaa wey hoos taalaaye aniguna mar mar baan Garriiraa’’… Galab adhigu soo xeroonayay ayuu intuu mindi Afweyn la booday ku qayliyey waa boodidaydiiyeey, waa boodidaydiiyeey, neefba neefkuu ka shishlaa ayuu birta ka aslayaa, wuxuu is leeyahay waa Islaan xoolo jecele markay ku tidhaa waar adhiga birta iiga daa Iyana

mindida gali, weyse ku fahamtay oo intay is xejisay ayay aqalka iska gashay, markuu arkay in aanay soo socon ayuu mindidii tuuray oo xagaa isaga dhaqaaqay.

jab ayay la maagan tahay’e neefafkii uu gawracay ayay haraga ka saartay, hilbihii ayay habaysay, habeenkii ayay isagii baruur ka dhargisay, waa wakhti kaliilee subaxii markay barqadii tahay ayuu dacar la taahay, aqal somali halkan ah intay jiifisay ayay inta hoose ee aqalkana u fayday si uu laydh yar uga helo meel agtiisa ahna badhyihii neefafka ayay dab u shidatay si ay u shiisho, isagu waa bastii oo kicid kuma jirto, intay disti weyn iskugu gaysay wixii subag ka baxay badhiyii oo ay aad u kululaysay ayay iska dhigtay wax distan kala dul talaabsanaya markay ku beegan tahayna waxay tidhi ‘’ Ala waa Gariiristaydii Ala waa Gariirstaydii…Distidii subaga ahayd oo bayl ahna wey ku sii daysay halkaasuu kugu daayey xaajigaasi……

 

kala miiro adigu!!!!

 

 

Exit mobile version