WAJAALE NEWS

Xogo dheeraad ah oo la xidhiidha Markabkii Hubka sidday ee Dekedda Berbera iyo dareenadda ay ka bixiyeen Shirkada qaabilsan xamuulka saaran, Wakiilka Somaliland ee Markabka & Dooda Xukuumadda

“Markabkani dekada Berbera markuu yimi sida sharciga kumuu soo wargelin dekeda inuu hub sido, markii la arkayna…..”

Waa kuma Wakiilka Somaliland ee markabka iyo halka lagu wado hubka saran?

Berbera(Wajaalenews)- Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka oo shixnad ganacsi u waday ganacsato Somaliland ayaa la sheegayaa in hub kala duwan oo markabkaasi siday ku waajahnaa magaalada Dubai e edalka Imaaraadka Carabta, sida mulkiilaha markabku sheegay.

Markabkan oo magaciisa la yidhaahdo Mc-Skakir oo wakiilkiisa Somaliland ahayd shirkada Oomaar ayaa sheegtay inaanay wax shuqul ah ku lahayn shixnadaha uu sido, kuna jiraan hubku, balse shaqadoodu tahay inay u fududeeyaan siduu u iman lahaa dekeda Berbera keliya.

Markabkan oo hore ugu geystay khasaare kala duwan badeecado gawaadhi ah oo ganacsato u kala dhashay Somaliland iyo Itoobiya lahaayeen ayuu madaxa shirkada qaabilsan badeecadaha uu keeno u sheegay wargeyska Himilo inay ka qaadeen hantidii hore u khasaariyey mulkiilaha markabku.

Haddaba, wargeyska HIMILO oo wareysi gaar ah wax kaga weydiiyey masuuliyiinta shirkada qaabilsan xamuulka uu sido markabku iyo wakiilka markabka u jooga Somaliland ayaa u dhacay sidan:

Cabdi Muuse Xidig oo ah masuulka oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey markabkan Mc-Shakir, halka uu ka yimid iyo shixnada uu u siday Somaliland waxaanu yidhi:- “Markabkan Mc-Shakir, wuxuu isku soo maro dekedo dhawr ah, waxaanu markii u horeysay socodkiisan ka soo dhaqaaqay Dubai, ka dibna waxa uu u soo kala gudbay dekedaha kala ah Mombasa,yemen,jabuuti,suda,eriteria haddana jabuuti ayuu dib ugu noqday, ugu danbeyntii ayuu dekeda berbera ayuu ku soo xidhay bishan koowaad labaatankeedii.

Mr Xiddig waxa kaloo intaasi ku daray, “Markabkan waxa laga leeyahay dalka Sudan, markii uu dekeda ku soo xidhay ee laga rogay gaadiidkii uu u siday Somaliland, waxa lagu arkay inay saaran yihiin lix gaadhi oo tikniko ah oo mid kasta uu qori ku rakiban yahay iyo laash nooca dheereeya ee ciidamada ah, sidaa darteed waxa noo yimid masuuliyiintii dawlada sida wasiirka arrimaha gudaha, taliyayaasha ciidamada oo ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha ee Magaalada Berbera ku sugnaa, waxaana weydiiyey inuu u soo gudbiyo dhukmanka hubkan uu sido, waxaanu noo sheegay inuu Abu-dubai ku wado, balse waxa uu yidhi ma hayo mana sido wax dhukumenti ah, dabadeed waa laga shakiyey, waxaana lala xidhiidhay ninkii lahaa oo imaaraatka jooga waxaanu yidhi aniga ayaa haya oo soo diraya, waxayse ahayd inuu markabku sito koobiga dhukumentigaasi sida caadiga ah, waxaanu qaynuunku ahaa inta aanu markabku ku soo xidhan dekeda inuu bixiyo warbixin la xidhiidha alaabta kale ee uu sido iyo halka uu ku wado”.

Mr Xiddig waxa kale oo uu sheegay in gaadiidkii uu dekeda berbera u siday dhamaantood laga rogay waxaanu yidhi:- “waanu ka rognay, waxaana go’aan lagu gaadhay in markabkii inta la hubsanayo ee cidii waxan lahayd iyo halkuu ku wadoba la ogaanayo, inuu halkaasi joogo, oo ay ciidanku illaaliyaan, walina lama hayo war rasmi ah, balse dawlada Somaliland ayey u taala haddii ay sii daynayso iyo haddii ay waxan ka rogayso”.

Mr Xiddig waxa kale oo aanu weydiinay in masuuliyadi ka saaran tahay inay marka hore ogaadaan waxa saaran markabka, waxaanu ku jawaabay:- “May, anagu masuuliyadaa ma lihin, baddu qaynuun ayey leedahay, markabku markuu wax soo qaado, wuxuu sido, ayaanu masuul uga nahay cida leh, markuu dekeda ku soo xidho maamulka dekeda ayuu ku wargaliyaa oo uu u gudbiyaa dhukmentiga waxa kale ee uu sido”.

Sidoo kale Mr Xiddig waxaanu weydiinay in Markabkan Mc-Shakir uu hore u daadiyey amase uu hore khasaare u gaysatay ganacsato Somaliland ah, oo gaadiid u siday, isla markaana uu hore u diiday inuu berbera yimaado, arrintaasi jiritaankeeda waxa uu kala socdo, waxaanu yidhi:-“Markabkani ninka iska lihi, cid kiradiisa kama qandaraaso ee isaga ayaa kiraysta markabka, waxaanu qaadaa gaadiid kaliya, waxaanu u kala gooshaa dhawr dekedood, markabkani xagaagii hore ama bishii toddobaad ee sanadkii 2014 ayuu ka soo baxay Dubai, waxaanu Berbera u siday 150gaadhi, dabadeed waa la waayey oo muddo ayaanu sugaynay,balse waxa uu tagey Jabuuti, waxaanu yidhi badda ayaa igu kacday oo cilad xagga mishiinka ah ayaa igu timid, dabadeed markabku wuu ciiray oo gaadiidkii qaar baa badda ku daatay qaarna way isku ciireen oo way burbureen, sidaasi awgeed inshooran (Insurance) ayuu ku jirey, kuwaasaa u yimid, waana la eegay, wixii Jabuuti waa laga rogay, anigana way ila soo xidhiidheen waxaanay ii sheegeen in xaaladaasi la soo gudboonaatay markabkii ee marka uu Berbera yimaado inaan la qabsan, sidaa ayuu dekedii Berbera ugu soo xidhay, waxaanu aragnay in gaadiidkii Berbera uu u siday aanay qaar saarnayn ilaa sideed gaadhi, kuwo kalena ay wax qabaan, dabadeed go’aan ayaan qaatay, waraaq ayaan qoray ujeedadeedu tahay in markabkan ay ku maqan tahay hanti reer Somaliland leeyihiin, inta laga heshiinayona inaanu dhaqaaqin ah waxaan u gudbiyey maareeyaha, ka dibna waxa laga rogay intii saarnayd gaadiidka oo ay kala lahaayeen Somaliland iyo Ethopia, waana laysugu yimid, oo waa la qiimeeyey, waxay noqotay hantidii saarnayd ee Somaliland ee khasaaruhu soo gaadhay $234.000 (Laba boqol iyo afar iyo soddon kun oo dollar) dabadeed dacwadii ilaa heer maxkamadeed ah ayaanu la galnay, ka dibna wuu qaatay, waxaanu muddo toddoba cisho ah ku soo bixiyey lacagtii, oo waxa uu ku soo shubay Shirkada Oomaar, sidaasaana lagu siiyey dadkii lahaa”.

Sidoo kale, shirkada Oomaar oo wakiil u ah markabkan Mc-shakir oo aanu la xidhiidhnay masuulka hawshaasi u qaabilsan oo la yidhaahdo Cabdirashiid, ayaa noo sheegay in wakaaladooda ku eeg tahay oo kaliya in markabkani marka uu ku soo xidho dekeda Berbera wixii ay u baahdaan u fududeeyaan, ee aanu xil ka saarnayn wixii uu sido iyo halkuu ku socdo midna.

Wararka kale ee Wargeyska Himilo si madaxbanaan u helayo ayaa sheegaya in hubkan uu leeyahay dalka Sudan, isla markaana uu ku socday Abu-dabia oo lagu qabanayo carwo hubka lagu soo bandhigo oo ay ka qaybgalaan waddamo badan oo carbeed, sidaa awgeed uu si toos ah (Transit) uu dekedaha uga gudbo, balse haatan khaladku ka dhacay in Markabkan Mc-shakir markii uu dekeda Berbera ku soo xidhay aanu haba yaraatee war-bixintii uu dekeda u gudbiyey ku darin inuu hub sido, markii la arkayna laga waayey dhukumentigii cadaynayey lahaanshaha iyo halkuu ku socda, sidaasi awgeed haatan xukuumada Somaliland la xidhiidhay mulkiilihii markabkani, ka dibna go’aan ka qaadan doonto marka jawaab laga helo.

Wasiirku warancade waxa uu sheegay inay baadhisi socoto. Waxa uu sheegay in Nimanka wada Markabku sheegeen inay Sudan laga soo saaray Hubka balse aanay hayn wax caddayn ah sidoo kalena ay u sii jeedaan Dubai inkasa oo uu sheegay in Markabku yahay kuwa wareegga oo meelo badan marayo.

Wasiirku waxa uu sheegay inay gacanta ku haynayaan inta laga helayo cidii lahayd iyo meesha uu Hubkani u socday.

 

Himilomedia.com

Exit mobile version