WAJAALE NEWS

Xildhibaan Khadar Ambassador Oo Iscasilay iyo Cidda Buuxinaysa Jagadiisa

Hargeysa(Wajaalenews)-Xildhibaan Khadar Ambassador, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa Golaha wakiilada u gudbiyay warqadiisa iscasilaada, isagoo ka codsaday in laga aqbalo. Waxa uu ku sababeeyay iscasilaadiisa arrimo isaga u gaar ah.Khadar Ambassador, waxaa laga soo doortay Gobolka Hargeysa, waxaanu ka soo baxay Xisbiga Ucid

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada XIldhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay Iscasilaadda Xildhibaan Ambassador, waxaanu sheegay in Guddida doorashooyinka loo gudbin doono islamarkaana go’aan ka gaadhayaan cidda soo buuxinaysa.

Waxaa la filayaa inuu jagadan buuxiyo Wali Axmed Xaawa oo ahaa Xildhibaankii dhinaca codka ku soo xigay Khadar Ambasaddor, waxaanu hore u soo ahaa Maareeyaha Hay’adda Korontada Dawladda Hargeysa oo markii dambe Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday.

 

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version