WAJAALE NEWS

Xeebaha Talyaaniga Oo Markale Laga Helay Markab Tahriibayaal Sida iyo Naakhuudayaashii Oo Baxsaday

Empoly:(Wajaalenews)-Waxa muddo saddex cisho gudahood ah laga helay Xeebta u dhaxaysa waddamada Talyaaniga iyo Giriigga markab laga leeyahay waddanka Senegal oo sida ilaa 400-tahriibayaal, kuwaas oo badda heehaabayey.

Markabkan ayaa la sheegay in aan cidina wadin, kadib markii shaqaalihii saarnaa ay ka carareen waxyar yar ka hor intii aanu gudaha u gelin biyaha Dalalka Yurub.

Sadex maalmood kahor ayey ciidamada Bada Talyaaniga soo badbaadiyeen markab bada dul sabeenayey kaasi oo siday 700 tahriibayaal u badan kuwa ka yimid Siiriya iyo Ciraaq.

Maraakiibtan tahriibayaasha laga soo buuxinayo, ayaa ah qaar gaboobay oo xoolaha lagu qaadi jirey, waxana ay gacanta ku galeen Budhcad dadka tahriibisa, kuwaas oo shirkadihii iyo dadkii lahaa lacago jaban kasoo siista, kadibna ka Buuxiya Boqolaal Tahriibayaal afrikan ah oo doonaya inay Yurub galaan.

Exit mobile version