WAJAALE NEWS

XASAASIYADA IYO DAREENKA MAQAARKA Q2aad ;Sh Jaabir Herblist

Qaybtii hore ee qormadeena waxaynu halkii ugu danbaysay kasoo hadalnay in sanka qofku u baahan yahay daryeel joogto ah oo ay ka kow tahay nadaafadu,isla markaana loo baahan yahay in laga dhawro wixii halis ku ah sanka………

Sida cilmi baadhis lagu ogaaday waxa uu sigaarku jaraa timaha yaryar ee ku yaala sanka dulkiisa sidoo kale hadana waxa uu awdaa iliiladaha aadka u yaryar ee ku yaala gidaarada afarta koone ee sanka dulkiisa kuwaasi oo ay qulqulaan qoyaano iyo waxyaabo dareere ah oo loogu talo galay inay ka qayb qaataan difaaca hore ee sanka.

Qiiqa sigaarka ayaa guba meelahaas muhiimka ah waxayna ku masaxmaan mudo gaaban sidaasi darteed ayaanu qofka sigaaryacabka ahi u adkayasan durayga iyo xanuunada uu kamid yahay hargabku, waxaana muuqataba oo la ogyahay inuu qofka sigaarka cabaa ka hindhiso badan yahay iyo cabudh qofka kale.

Caafimaadka guud ee sanka waxaa kamid ah in laga ilaaliyo ku isticmaalka faraha waayo waxay taasi ka hor tagaysaa sidii aanay jeermiska farha saarani markaasba dhaqso ugu weerarin xubnaha aadka u nugul ee sanka ku yaala, waxaana la arkaa had iyo jeer finan kasoo baxa sanka dushiisa ama hoostiisa kuwaasi oo aadna u xanuun kulul isla markaana hadii qofku faraha ku taabtaabto keeni kara barar iyo caabuq gaadha madaxa oo dhan, taasi oo dad badan u horseeday inay sidaasi ku dhintaan.

Waxyaabaha aadka iyo aadka u khattarta ah ee caafimaadka kasoo hor jeeda waxaa kamid ah in wax aan habboonayn lagu shubo sanka, waana mid khattar uu ku gali karo qofku hadii uu sankiisa ku shubo shay dareere ah oo goordhow fadhiista meel dhexe isla markaana awda dariiqii sanka iyo madaxa hoose ka dhexeeyay.

Sida diintu inoo sheegtay xabaasuudu waa dawada cudur kasta geerida mooyaane balse ma iswaydiisay sida ay dawo u tahay ma calalibaa ma ridiqbaa ma saliid ka dhigbaa?.

Jawaabtu waa inaad ogaato in sida ay dawo u tahay u baahan tahay cilmi iyo farsamo lagu isticmaalo, waxaad taas kasoo qaadanaysaa in rabbigeen kor ahaaye ku sheegay quraanka oo uu yidhi < waydiiya dadka cilmiga leh hadaydaan garanayn idinku>.

Sanboorka iyo cabudhka badan ee qofku dareemo waqtiyada qaarkood waxay had iyo jeer ka yimaadaan xaalad u baahan in dhaqtar dabagal iyo baadhis ku sameeyo, waxaana ka reeban caafimaad ahaan in qofku iska maamusho hawlihiisa caafimaad oo aanu kolba sankiisa iyo dhagahiisa ku eegin shay, waxaana in badan la arkay dad maanta u buka wixii ay islahaayeen cilada ku daweeya.

Caafimaadka sanku waxa uu kamid yahay waxyaabaha leh dhaqtar khaas u ah loomana baahna in dhaqtar kastaa faraha la galo, waxaana dadka xanuunada sanka ka cabanaya ku waajib ah inay si joogto ah ula xidhiidhaan dhaqtarkooda sanka, sida qaalibka ahna waxaaba dhaqtar kaliya loo tababaraa sanka dhagaha iyo cunaha.

Hadii aan intaas kusoo gaabsho ka hadalka sanka waxaan iyagana wax ka sheegayaa dhagaha oo lasoo raacsho sanka khaasatana uga dhaw xaga isku xidhnaanshaha iyo wada shaqaynta.

Dhagaha waxaa lagu tiriyaa inay yihiin kuwo ka da,wayn dareemayaasha kale waxaana had iyo jeer cuduradoodu ka yimaadaan meelo aad u kala fog oo jidhka dibadiisa iyo gudahiisa ku yaala, aad baanay u yartahay inta dibadan sare ay wax ka noqdaan.

Bilawga ugu horeeya ee xanuunka dhaguhu waxa uu kasoo bilaabmaa abuurka koobaad ee ilmaha caloosha ku jira khaasatan marka uu marayo bishiisa todobaad, sida ay sheegaan culimada iyo dhaqaatiirta ku takhasustay ilmaha caloosha ku jira waxaa loo bahan yahay bay yidhaahdaan in hooyada uurka leh laga ilaaliyo xanaaqa iyo naxdinta si aanay taasi saamayn ugu yeelan ilamaha caloosha ku jira, waxaana taasi ay kamid tahay in caruur badan oo kusoo dhalatay cilado xaga dhagaha ah ama xaga dareemayaasha kaleba ah xanuunkooda loo aaneeyay xaalada nafsiga ah ee hooyadu ku noolayd, waxaa kale oo iyadna la ogyahay in qofku marka uu xanaaqo xaaladaha qaarkood aanu dhagaha waxaba kamaqli Karin oo uu xanaaqu daboolo dareemayaasha dhagaha ee soo jiida dhawaqa tooska ah iyoo maado loo yaqaano adrenal oo ay soo tuujiyaan qanjidho ku yaala qoortu dhiiga raacdo isla markaana ay keento xunbo iyo naqas buufiya xididada goobahaas ku yaala oo dhan,waxaana yamaada isku duruq iyo cadaadis awda si fiican u shaqaynta xidido badan oo u adeega dhagaha.

Sidaas darteed ayaa dadka dhiig karka leh ama xanuunada neerfayaasha ku dhaca aad arkaysaa inay dhaqso u maqal yareeyaan oo maqalkoodu culus yahay, waxaa kale oo had iyo jeer looga digaa dadka da,doodu kawayn tahay 45 sanno inay had iyo jeer xanaaqin si aanay waxyeelo hor lihi ulasoo darsin caafimaad qabkooda xaga dhagaha,

Xanuuada ku dhaca caruurta la arkay iyagoo lasoo dhashay dhago la,aan waxaa badankooda loo aaneeyaa inay hooyadu buktay xaalad jidheed ama nafeed, taas waxaa soo raaca isagoo ilmaha dhalanayaa la kulma cidhiidhi iyo dhibaato badan xiliga hooyadu dhalayso.

Daryeelka dhagaha ee ilmaha yari waa mid aad u mihiim ah waxaana waalidiinta had iyo jeer dhaqaatiirta cilmi nafsigu kula taliyaan inaanay caruurtooda cadaadis iyo dilmo joogto ah ku samaynin, iyadoo laga baqo qabo hadii ilmuhu uu dareemo awood aanu iska caabiyi karayn taasi ay u horseedo wiiqan ku yimaada xubnihiisa jidheed ee curdinka ah, waxaana in badan la arkaa ilmo marka uu xanaaqo isku kaadsha, iyo mid suuxa, iyo mid dhidida ama mataga, waxaana la arkaaba caruur markii xoog loo canaantay si joogto ah ama xoog loo karbaashay markii danbe dhago belay iyadoo aanay jirin wax cilad kale ah oo lasoo daristay jidhkooda.

Si fiican ula qabsiga iyo wada shaqaynta hooyada iyo ilmaha waxaa loo baahan yahay in laga sameeyo tababar iyo garasho fiican oo cilmi ama caqli ku salaysan si aanay u dhicin umuuro badan oo raad ku yeesha caafimaadka hooyada iyo ilmaha, taasina waxaa samayn kara ururada qaabilsan daryeelka hooyada iyo ilmaha.

U diid ilmahaaga inuu galiyo dhagtiisa qori ama shay kale oo adag oo aan habboonayn in lagu isticmaalo, si joogto ah ula soco nadaafada dhagahaaga iyo kuwa ilmahaaga kuna isticmaal wixii habboon ee loogu talo galay nadiifintooda.

Lasoco……..

Sh.jabir herbalist

Exit mobile version