WAJAALE NEWS

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Oo Sheegay In Dawlada Turkigu Danaynayso In La Soo Celiyo Midnimo Somaliyeed,

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo Ganacsiga Xukumadda Siilaanyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in Turkigu xiisanayo midnimada Somaliland iyo Somalia.

Dr. Maxamed, oo uu u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in booqashadani muujinayso sida uu Turkigu u danaynayo arrimaha Somaliya, isagoo sidoo kale sheegay inuu danaynayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

“Booqashada Madaxwaynaha Turkiga ee Somaliya oo ah tii labaad muddo yar gudahood waxay muujinaysaa ahmiyadda siyaasadeed iyo ta istaraatijiyadda fog ee uu Turkigu ka leeyahay Somaliya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba. Dhinaca wada hadalada Somaliland iyo Somaliya si wayn buu madaxwaynaha Turkigu u danaynayaa. Waxaa markhaati u ah kulankii uu la yeeshay madaxwayne Xassan Sheekh iyo madaxwayne Axmed Silaanyo 14 April 2013 magaalada Ankara oo soo jiidatay indhaha caalamka.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi, wuxuu dawladda Turkiga u soo jeediyay inaanu keligii isku koobin wda hadashiinta Somaliland iyo Somaliya. “Haseyeeshee waxaa fican in aanu Turkigu kaligii Isku koobin wadahadashiinta labada geesood, wadamada kalaba waa inuu u ogolaadaa inay qayb ka noqdaan.” Ayuu yidhi.

Maxamed Cabdillaahi, oo la su’aalay in dhexdhexaadnimadii Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya ay weyd noqonayso marka la eego culayska uu saarayo Madaxweyne Erdogon dhinaca Somaliya, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay in la fahmo in ilaa imika Turkigu aanu ahayn dhexdhexaadiye (mediator) ee waa meel (venue) fududaysa in Somaliya iyo Somaliland ku kulmaan. Waana sababta keentay inaanu Turkigu culays wayn iska saarin fulinta qodabadii ilaa hadda lagu heshiiyay, waayo waxay dhexmareen uun Somaliya iyo Somaliland.”

Maxamed Cabdilaahi, oo la weydiiyay in dawladda Turkigu u muuqato inay xiisaynayso midnimadii burburtay ee Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Jacaylka Turkigu u qabo in la soo celiyo midnimo Somaliyeed maaha mid qarsoon. Laakiin maaha mid ay ku khasbayaan Xukuumadda iyo shacabka Somaliland.”

Isagoo ka hadlaya mashaariicda uu Turkigu siiyo Somaliya iyo kuwa uu ka fuliyo Somaliland, wuxuu Dr. Maxamed yidhi “Dhinaca kale markaad eegto waxqabadka Turkigu siiyo Somaliya wuu ka shilis yahay kana badan tahay ta uu siiyo Somaliland, waana arrin ka turjumaysa halka uu xoogga saarayo.”

XIGASHO GEESKA

 

Exit mobile version