WAJAALE NEWS

War DegDega;Ciidamada Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigay Suldaan Somaliland Ka Faloogay Suldaan Wabar;

JIGJIGA (Wajaalenews) – Ciidamo ka tirsan Milletariga dawladda Itoobiya ayaa la soo Wariyey inay gacanta ku dhigeen Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo dhawaan sheegay inuu ka fallaagoobay Somaliland.

Warar kala gedisan oo laga helayo galbeedka gobolka AWDAL ayaa sheegaya in Suldaan Wabar iyo xubno isku urursanayey xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee gobolka AWDAL lagu guuleystay in ciidamada Itoobiya qabtaan, ka dib weerar qorshaysnaa oo ciidamada Itoobiya ku qaadeen halka ay joogeen kooxdaasi.

Ilaa hadda war rasmiya lagama hayo habka loo qabtey Suldaanka iyo wax khasaare ahi inay ka dhasheen hawl-galka lagu qabtey isaga iyo kooxdiisa, laakiin ilo-wareedyo badan ayaa sheegaya in Suldaanka iyo kooxdii la socotay loo qaadey dhanka gudaha dalka Itoobiya.

La soco Wixii ka soo kordha iyo xaqiiqada Warkan ba

XIGASHO RAMAASNEWS

Exit mobile version