WAJAALE NEWS

Shirka IGAD oo furmay iyo wararka sheegaya inay Somaliland Goob-jooge kaga qayb galayso oo aan illaa hada jirin.

IGAD-logo-Muqdisho(Wajaalenews) shirka Dalalka Bah-wadaagta ku ah IGAD ayaa goor dhaweyd si rasmi ah uga furmay magaaladda Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay wufuud farabadan, kuwaas oo ka kala yimi dalalka IGAD iyo beesha Caalamka.
Shirkan oo ay qudbadihiisii furitaanku bilaabmeen waxa ka hadlaya Wasiirka Arrimaha Dibeda Dalka Kenya hase yeeshee waxa uu si rasmi ah u furmi doonaan bacda qadada, halkaas oo lagu kala ogaan doono Ajandihiisa rasmiga ah.
Ka soo qayb galayaasha ayaan loo diyaarin wax lagu kala aqoonsado, waxanay taasi meesha ka saaraysaa in la kala garto Dadka ka soo qayb galay, inkasta oo aan illaa hada lagu dhex arkayn in ay jiraan masuuliyiin ka socota Somaliland sida ay shabakadaha qaar baahiyeen.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

Exit mobile version