WAJAALE NEWS

Mareykanka oo Qalab Ciidan ku Taageeraya Howlgalka AMISOM ee Somaila

Muqdisho(Wajaalenews)— Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay gaadiid ciidan oo ah kuwa aanay xabbadaha iyo miinooyin karin uu ku caawinayo ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

Gaadiidka uu Mareykanku siinayo ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in 20-gaari ay yihiin noocooduna yahay MRAPS, iyadoo Mareykanku uu xusay inay tani qayb ka tahay xoojinta howlgalka Soomaaliya ka socda.

Dalalka Uganda iyo Burundi oo iyagu qayb ka ah AMISOM ayaa heli doono gawaaridaas oo ah kuwo ay ciidamada Mareykanka ee joogay Afgaanistaan ay isitcmaali jireen.

Jen. Wayne Grigsby oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa sheegay in tallaabadan ay kala kaashan doonaan shirkado kuwa qalabka milateriga soo saara.

“Waxanu doonaynaa inay dhamaystirno qalabka ay ciidamada Somalia ku sugan u isitcmaalaan howlgalladooda, si loog taqaluso dagaalka lagula jiro argagexisada Afrika,” ayuu yiri Jen. Grigsby.

Sidoo kale, sarkaalka lagu magacaabo Maj. Myesha DuBose oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa isaguna sheegay inay xoojin doonaan joogitaanka ciidamadooda Somalia ku sugan, isagoo intaas ku daray inuu rumeysan yahay in Al-shabaab dhulka oo dhan laga saari doono.

Ugu dambeyn, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dhammaadka bisha Jannaayo ay gaadiidkan imaan doonaan Muqdisho si ay AMISOM howlgalka ugu isticmaasho.

 

 

Exit mobile version