WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo U Quus Gooyay Ololihii Gancastada Iyo Salaadiinta Beelaha Sacad/Muuse Ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa’

Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),oo Guud ahaanba Shacbiga la hadley curashada Sanadkan Cusub ee 2015ka ayaa, dhinaca kale markii u horeysay ka hadley Loolankii idhawaale ka dhex taagnaa Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Beelaha Sacad/Muuse ee ku hirdamayay Xisbiga Kulmiye ayaa, u quus gooyay qeybo badan oo kamid ah Ganacsatada Beeshaasi iyo Salaadiinta oo iyagu qeyb ka ahaa ololaha cusub ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo mudooyinkii u dambeeyay laga dareemay Gudaha Caasimada Hargeysa ololahaas oo aylaba dhinac ugu kala jabeen Siyaasiyiinta ku hirdamay ee katirsan Xisbiga Kulmiye iyadoo, dhinaca Ganacsatada iyo odoyaashu ku doonayeen in ay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi gooni uga dhigaan in uu Murashax u taagan yahay.

 

Halka Wasiiro katirsan Xukuumada ee kasoo Jeeda Beelaha Sacad Muuse Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis,ay damacooda ugu utun xidheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo dabadii in uu damacoodu aawan yahay xiligaas, haseyeeshee, marka hoos loogu dhaadhaco hadalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo yeedhay Maanta,oo uu ku Sheegay in dabadii lagu tartami Doono Xisbiga Kulmiye maadaama uu yahey Xisbi Dimuqraadi ah ayaa cadeyneysa in aanu raali ka aheyn damacii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Islamarkaana,  u quus goynaya Garabka Ganacsatada iyo Salaadiinta Golaha Dhexe ee Xisbiga ka hor wax la doonayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo isagu hore damaciisa u shaaciyay laakiin ka tanaasulay kadib markii ay si adag isugu dhaceen Madaxweyne Siilaanyo taas, oo hadana Ganacasatada Beesha Sacad Muuse dhawaan dib u istaadhay Kaambayn cusub oo ku wajahan Loolanka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Dadka u dhuun daloola Siyaasada Xisbiga Kulmiye ee Mudooyinkan dambe oo duul duulka xanshashaqaoodu soo gaadhay ayaa, Hadalka Madaxweyne Siilaanyo kasoo yeedhay Maanta ku tilmaamay mid haysta Wadadii Xubnaha Wasiirada ah ee damacooda ku xirsi xidhay Madaxweynaha dabadii halka uu caqabad ku noqonayo Wakhti xaadirkan dhaqdhaqaaqii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay wax kula wadeen Xubno kamid ah Ganacsatada Beesha iyo Salaadiinta Beelaha Sacad Muuse taas, oo laga yaabo in ay soo gunaanado wakhti xaadirkan in ay halkaasi talaabo kale hore uga qaadaan.

 

 

Wariye Cabdiraxmaan-Hiiraan

 

Exit mobile version