WAJAALE NEWS

Hagar Daamooyinka : Xukumanada u Gadhwadeen Ka Yahay Mujaahid :Ahmed Siilaanayo.

Xukumanda u gadhwadeen ka yahay mujaahid :Ahmed Siilaanayo waxay noqotay Ka daroo Dibi dhal. Waxa mar walba Xaaran inaga ahayd inaan wada hadal ama aqoonsi ka raadino Dowlad yabyab ah oo beesha calamku curyamisay Siday u lahayen sidan yeela sidan kale yeela,Dastuurka JSL wuxuu cadeynayaa inaan marnaba wada hadal lala furi karin Dowlada xamar. Sidaa daradeed xukumada maanta jirta dalbatay inay wada hadal la furto,

maanta waxan maraynaa in laga hadlo khayraadkeeni iyo waliba in la sheegto Dhulkeeni aynu u so halganay tiiyo luuqad siyaasiya shacabkeeni lagu kala jabinayo, Marka anigu ka Aragti ahaan waxan xukumada u soo jeedin lahaa Inay gabi ahaanba wada hadalada somalia ay joojiso waxay inaga lumiyeen laba sano iyo dheerad Ilaa maanta waxan ka baryeyna Sidii aynu u qaybsan lahayn wixii aynu horay u wada lahayn balse nasiib daro waxba kama hayno ilaa maanta wax ka soo socdaana inaanu jirin,isla marka aqoonsiga JSL ay wada kale u marto hadii ay laxejeclo ka leedahay Dalkan iyo umadiisan Ilaashanaya ma qabo inay somalia aqoonsi u hayso dalkeena dariiqyo badan o ka dhow ayaa jira sida IGAD & EU sidoo kale waxan odhan lahaa madaama la so hordhigay Parlament yurub inay aqoonsadan JSL arrinta inay xoojiso xukumadu ayaan u so jeedinayaa balse sidan ay hada wax u socdaan waxay meel ka dhac ku tahay shacabka JSL iyo dowladnimadeena mustaqbal keena mugdi weyn ayay galinaysaa

run ahaantii Qofkii damiir lihi waa wax uu ka gilgisho aniguna ilaa xad arrinkaa waan ka xumaaday

by muwaadin Damqanaya WTQ.

Exit mobile version