WAJAALE NEWS

Yaa Yidhi Daruuriga Lama Taaban!!Prof Cabdi Cali.

Gas-ka wax lagu karsado, xukuumadda cusubi waxay ku soo rogtay haantiiba 1 dollar oo cashuur ah; Gas-ku kaliya ma aha daruuri ee waxa dheer ilaalinta degaanka iyo xaalufka dhirta. Hal dollar haantiiba lacag yar ma aha; halkii ay ka ahayd 15 dollar waxay noqotay haantii 16 dollar. Sideebay u dhici kartaa in aad u dhawaataan Gas-ka wax lagu karsado iyadoo aad ogtihiin sida dhulkeena iyo deegaankeenu u xaalufay!!!!

Dadkeenu waxay isku qaldaan xaqiiqda iyo aragtida (facts and views); aragtida waa laga doodaa, laakiin xaqiiqda lagama doodo; haddii kale adduunku ma kala socdeen; waxa lagu kala baxaa xaqiiqada; markaa anigu waxan aan ka hadlayaa waa xaqiiqo ee aragti ma aha; biyaha inaad kordhisay miyaad beenin kartaa; markaad ka dhigtay halkii mitir-cubig 14500 S/L sh, foostadii la siin jiray 10,000 SL sh waxay noqotay 20,000.

Cashuurta badeecadda soo degta in aad kordhisay miyaad beenin kartaa; ama sarif kordhi ama toos u kordhi, waa isku mid xagga dhaqaalaha; xabbadii roodhida ahayd ma noqotay 3000, halkii ay ka ahayd 2,000; maxaad sarrifka u kordhinaysay; miyaanad ogeyn in natiijadu isku mid tahay.

Isku soo xooriyoo,,Taladaydu waxa weeye waar meel kale lacag ha laga raadiyo ee fadlan sidoodii hore ku soo celi Biyaha iyo Gaaska wax lagu karsado iyo waliba xabbada roodhida ah!!!!!

Qalinkii Prof Cabdi Cali Jaamac ; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Exit mobile version