WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha SONYO Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Cadayn Iyo Deedafayn Warqad Been Abuur Ah Oo Uu Ku Kacay Musharaxii Laga Adkaaday Cabdicasiis Xirsi Warsame;

Guddoomiyaha SONYO Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Cadayn Iyo Deedafayn Warqad Been Abuur Ah Oo Uu Ku Kacay Musharaxii Laga Adkaaday Cabdicasiis Xirsi Warsame;

Ku: Hayadaha Caalamiga/Wadaniga ah, Daneeyayaasha Arimaha Dhallinyarada JSL iyo Bulshada Caalamka

Og: Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Qaranka

Og: Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Og: Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Og: Xubnaha Golaha Sare ee lixaad ee Dallada SONYO ee xilka wareejinaya

Og: Xubnaha Golaha Sare ee Toddobaad ee Dallada SONYO ee la doortay

Og: Agaasimaha Fulinta Dallada SONYO

 

Ujeedo: Cadayn Iyo Deedafayn Warqad Been Abuur Ah

 

“Falaadhi Gil-gilasho Kaagama Go’do: Warqada Fooljariga ah ee uu qoray Cabdicasiis Xirsi Warsame iyo Adeegsiga been-abuurka ah ee sumadaha Xafiis u gaar ahi, waa Fal-dambiyeed iyo Jariimad culus oo ka dhan ah Sumcadda iyo Xuquuqda Dhawrsan ee Dallada SONYO, waana arrin lagula xisaabtami doono”

 

Sida ku cad dastuurka Dallada SONYO, qodobkiisa 8, baqradiisa 5aad , tirsigiisa 1aad , labadii sannaba hal mar ayaa la qabtaa Shir-weynaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO. Shir-weynihii 7aad ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa uu u dhacay si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta u dagsan Dallada. Waxa lagu doortay Guddoon iyo gole cusub. Guddoonka iyo golaha cusub waxa ay xilka dallada kula wareegi doonaan muddo bil gudaheed ah oo ku eeg 31 January 2015. Inta ka horaysa muddadaas, waxa xilka haynaya hogaankii golaha lixaad ee la doortay December 28, 2012-kii ee aan anigu guddoomiyaha u ahay.

 

Sidaas darteed, waxa aan halkan ka cadaynayaa in warqadii wayda ahayd ee uu saxaafada ku qaybiyey Cabdicasis Xirsi Warsame oo ahaa musharax u tartamay jagada guddoomiyenimo ee dallada SONYO, kana tirsan golaha 7aad ee Dallada ee dhawaan la doortay, iyada oo sidata shaabada iyo sumadaha gaarka u ah xafiiska Dallada SONYO, ay tahay been-abuur cad oo muujinaysa qiyamka, kartida iyo hufnaanta musharaxa, taas oo si badheedh ah looga gol lahaa in lagu burburiyo laguna hagar-daameeyo sumcadda iyo karaamada Dallada SONYO.

 

Waa xaaraan iyo gaf qaanuuni ah in musharax suuqa ka soo samaysto shaabad xafiis dhisan, kaas oo leh hawl-wadeeno igman oo shaqaynaya iyo hoggaan muddo xiliyeedkiisu wali dhammaan. Abdicasiis Xirsi Warsame waxa uu ku kacay fal-dambiyeed budh-cadaysan, waxa aanu faraha kula jiraa dambi cad. Fal-dambiyeedkan waxa lagu qaadi doono qawaaniinta iyo shuruucda la xidhiidha dambiyada been-abuurka iyo foojariga sida Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Hayadaha Aan Dawliga Ahayn ee JSL (SL NGOs Act).

 

Waxa aanu ugu baaqaynaa dhammaan hayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin Dallada SONYO, daneeyayaasha arimaha dhallinyarada JSL iyo Bulshada Caalamkaba in ay fiiro gaar ah u yeeshaan warqadan been abuurka ah.

 

Ugu dambeyntii, waxa la yaab leh sida loogu aammini karo Cabdicasiis Xirsi Warsame xil iyo mas’uuliyad xafiis ama ummadeed, maadaama oo uu ku kacay fal-dambiyeedkan been-abuurka iyo foojari-garayta ah ee uu ka qorayo xafiis hay’adeed. Waa ayaan darro iyo wax laga yax-yaxo.

 

Allaa Mahad Leh,

 

Mubarak Ismail Taani,

Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO,

Hargeysa, Somaliland.

Exit mobile version