WAJAALE NEWS

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta

Hargeysa(Wajaalenews)-Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada Somaliland, ayaa maanta Ansixiyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogta kaddib markii Goluhu aanu wax fadhi ah yeelan maalmihii u dambeeyay oo Kooramku buuxsami waayay.

Fadhiga Maanta oo uu gudoominayay Gudoomiye xigeenka 1-aad,ahna kusimaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax ayaa mudaneyaashu cod ugu qaadeen xeerka, Waxaana ogolaaday in la ansixiyo 42 mudane, Waxaa Diiday in la ansixiyo 3 mudane, Waxaana ka aamusay hal mudane,Guddoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah tirada guud ee Xildhibaanada fadhiga ka qayb qaatayna waxay ahaayeen 47 mudane. Xeerkuna sidaasi ayuu ku ansaxay

 

Exit mobile version