Masuuliyiin uu ugu sareeyo Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylic,Asxaabta qaranka,Warbaahinta,Bahda fanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo kumanaan ah ayaa ka qayb galay Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuumka oo Lagu aasay Xabaalaha Naaso Hablood ee Duleedka Hargeysa.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegay in Hal abuur Maxamed Axmed Kuluc geeriyooday balse wacyigalintiisa iyo murtidiisu wali baaqi tahay.
“Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa Fannaankeenii iyo hal abuurkeenii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc ee geeriyooday. Waxaan leeyahay Eheladii iyo guud ahaan Bulshadaba Alle Samir iyo Imaan ha inaga siiyo. Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka in Illaahay Naxariistiisa ka waraabiyo.
Hal abuurku/fannaanku wuxuu ahaa Qof aad inoogu qaali ah, wuxuu ahaa Abwaan iyo fannaan muddo 60 sanno ka badan ku soo jiray fanka, maanta wuu inaga baxay laakiin, wacyi galintiisii iyo wax sheegiisii waa wax mar walba inala jooga. Waxaa dhamaanteen inala gudboon inaan u ducaynoo Illaahay u waydiino inuu Jannadii ka waraabiyo” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka Somaliland.
Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane