BURCO(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo habeenkii xalay ahaa isaga iyo weftigii uu hogaaminaayey ay seexdeen Caynaba ayaa saaka waxa uu khudbad ka jeediyey fagaaraha saynaba oo ay isu soo baxeen kumanaan dad ahi, ka dib markii ay khudbadii dhamaatay ayaa waxa uu madaxweynuhu u dhaqaaqay mashaariic dhawra oo laga hiregeliyey caynaba, oo ay ka mid yihiin Saldhiga booliska Jeelka weyn ee caynaba, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay xarunta xanaanada xoolaha ee caynaba, Maxkamada degmada caynaba iyo garoonkubada cagta ah oo gobolku yeelan doono.
intaasi ka dibna waxa madaxweynuhu gaadhay ina-afmadoobe oo uu si rasmiya xadhiga uga jaray wejigii koowaad ee wadada ceerigaabo halkaasi oo uu madaxweynuhu hore u dhagax-dhigay, nasiib wanaagna uu isla isagu maanta furay himiladii maalintaasi la hiigsanaayey oo qayb ka mida hirgashay laguna talaabsaday iyada oo guud ahaan shacbiga somaliland iyo xukuumaduba u tafaxayteen sidii ay u noqon lahayd mid rumawda oo midho dhal ah, sida muuqata ee aynu maantaba arkayno waxa cagta la saaray laamigii u horeeyey ee ceerigaabo looga baydhi-doono insha allaa.
dhismaha wadadan cusub ayaa dhamayd inta uu madaxweynuhu maanta furay 10Km iyada oo uu madaxweynuhu dhagax dhigay 100KM oo isugu jira wax caro kaawadu u dhamaystiran tahay iyo in la tumay oo u baahan uun in la saaro caro kaawada iyo daanburka, insha allaa waxa lagu rajo weyn yahay inay dhawaan hirgelidoonto 100km oo laami ah.
Madaxweynaha oo soo kormeeray wadada ceerigaabo ayaa ku soo noqday degmada Qoryaale oo madaxweynaha loogu qado sameeyey si weyna ay ugu soo dhaweeyeen cuqaasha, waxgaradka iyo dadweynaha deegaanku, waxaanu madaxweynuhu goob fagaare ah kula kulmay dad tiro badan oo halkaasi isugu soo baxay.
ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay wado 4 Km ah oo ay iska kaashadeen dadweynaha degmada qoryaale hadana ay baneeyeen oo ay ka diyaar u yahay in la saaro laamigii, isaga oo madaxweynuhuna ku hambeeyey sida ay u dedaaleen ee ay wax u wada qabsadeen ka deegaan ahaan.
Ugu danbayntiina waxa weftiga madaxweynuhu ku soo caraabeen magaalada burco oo ay soo gaadheen xili habeenimo ah balse aad loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaana madaxweynaha loo gelbiyey Madaxtooyada Burco oo uu madaxweynuhu ku degay, ka dib markii uu magaalada soo gaadhay shacabkuna si balaadhan u soo dhaweeyeen.