WAJAALE NEWS

Xoogagga Daliban Oo Ku Dhawaad 100-Ruux Oo Arday u Badan Ku Laayey Iskuul Ku Yaalla Dalka Pakistan

Peshwar:(Wajaalenews)-Xooggaga Islaamiyiinta ah ee Daliban, ayaa weerar hubaysan oo ay ku qaateen Xarun iskuul oo ay militeriga dalka Pakistan Maamulaan ku laayey ku dhawaad Boqol oo arday u badan.

Ilaa shan ruux oo dharka milateriga xidhnaa ayaa iskuulkaas galay saaka waabarigii, iyadoo la maqlayay rasaas iyo qaraxyo, waxaana goobtaas hareereeyay ciidamada ammaanka.

Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ilaa 500 arday oo iskuulka dhiganayay laga saaray, iyadoo aan la ogeyn in qaarkood afduub ahaan loo qabsaday.

Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa sheegay in weerarku uu yahay mid jawaab u howlgallada ciidan ee ka socda waqooyiga Waziristan.

Boqolaal dagaalyahano Taliban ka tirsan ayaa ku dhintay howl gallo milateriga Pakistan ka waday waqooyiga Waziristan iyo agagaarka Khyber, halkaasoo ah goobaha qabaa’ilka ku xoogan yihiin.

Arday ka mid ah kuwii ka bad baaday weerarkan oo la hadlay Telefishin maxali ah oo lagu magacaabo Geo TV ayaa sheegay in kooxaha soo weeraray ay soo geleen qeybta ciidanka ee ardayda lagu siiyo tababarka koowaad ee gargaarka deg deg.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay kooxo xidhan jaakadaha qarxa, waxaana jira in wali kooxda ay gudaha ugu jiraan dhismaha Iskuulka.

Ciidamo fara badan oo kuwa ammaanka ayaa aad loo soo dhoobay halka howl galka ka socdo ee Iskuulka ay maamulaan Ciidamada Milateriga.

Exit mobile version