WAJAALE NEWS

Xisbiga Ucid Oo Xaflad Soo Dhaween Ah Gobolka Togdheer Ugu Sameeyay Taageerayaal Laxaad Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi Ucid.

Burco (Wajaalenews)- xisbiga ucid ayaa xaflad soo dhaween ah ugu sameeyay Gobolka Togdheer taageerayaal miisaan leh oo xisbigaasi ku soo biiray .

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Hotel Cigaal ee Magaalada Burco waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Ucid oo uu hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe . Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaaad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray . Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ee Xisbiga Ucid Aadan Xuseen Maxamed . Xoghayaha Arrimaha Gudaha C.Qani Ibraahim Salaf . Xohayaha Arrimaha Bulshada C/Raxman Axmed Cali Iyo Masuuliyiin Kale .

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ee Xisbiga Ucid Mudane Aadan Xuseen Maxamed waxaanu hadallo soo dhaween ku soo dhaweeyay taageerayashi xisbigaasi ku soo biiray isagoo sidoo kalene tilmaamay in ay gobolka ku soo dhaweenayaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka bulshadu la kadeedantahay sida caddaald darrada . musuq maasuqa . is beddel la’aanta oo uu sheegay gudoomiyuhu in ay taagantahay wali waxaanu ugu baaqay taageerayashi ku soo biiray xisbiga ucid in ay doortaan ucid oo ah bu yidhi xisbiga dhalin doona is beddel dhab ah .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid C/Qani Salaf oo isna soo dhaweeyay taageerayasha ku soo biiray xisbiga ucid .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay xubnihii ku hadlayay taagerayashi ku soo biiray xisbiga ucid waxaanay dhamaantood cadeeyeen in ay xisbiga ucid ku soo biireen isla markaaan ay maanta wixii ka danbeeyaaa ay taageero hiil iyo hoo la garab taagnaandoonaan.

Gudomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay si aada u soo dhaweenayaan taageerayaasha xisbiga ucid .

Mujaahid cali guray oo si watta hadalkiisa aya waxaa uu yidhi “ Xisbiga ucid ma hayyo been macaan oo sida malabka ducaad loo duurduurto wuxuu hayaa run qadhaadh oo aanu is leenahay dawada ku jirtaa waa aragteen dawadoo dawo dhami waa qadhaadh ..”

Waxaa Gabogabadii Halkaasi Ka Hadlay Soona Gunaanaday Xafladda Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in ay taageerayashan soo dhaweenayaan .

Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday maraaxilkii uu soo maray dalku isagoo carrabka ku dhuftay in jid adag loo soo maray qarannimada Somaliland isagoo ku baaqay in la wada ilaaliyo qarannimada somalialnd .

 

Gudoomiye faysal ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga ucid uu naafo ka ahaa gobolada bariga balse uu haatan bariyaysanyahay waxaanu yidhi “ Hadaanu Ucid nahay xagga bariga naafo ayaanu ka haayn 12 sanno ee aanu jirnay marka laga reebo degmada Gar adag . Ceel Afwayn . Oodwayn Inta kale Naafo ayaanu ahayn maanta waxaanu jecelnahay ucid maanta waa xisbi bari . waxaanu u soconaa in aanu soo indho indheeno deeganada Balli Dhiig . Caynaba Barigi Hore waxaan mari jiray galbeedka Durukhsi iyo xaaji saalaxyo laakin maanta waanu bariyaysanahay maanta waa marti burco bari ..”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay haddi ay guuleestaan in ay dalka ku soo celinaya sidii ay la damacsanayen oo ah dal horumar leh oo caalamka la tallaabsada .

Si kastaba ha ahaate xafladdan ayaa ku soo gabogabowday jawwi deggen oo farxadeed .

 

 

Exit mobile version