WAJAALE NEWS

Wasiir Waran-cadde Oo Sanadka Cusub Ku Ibo Furay Awaamiir Cusub Oo Xagga Bilicda ah Xilli Kuwii Hore Aanay Cidi Hirgelinin,

Hargeysa:(Wajaalenews)Xilli Saacado koobani ka hadhsan yihiin sanadka Cusub ee 2015-ka, ayuu wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland soo saaray Awaamiir uu sheegay in kor loogu qaaday Bilicda iyo Quruxda Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Somaliland.

Wasiir Warancadde oo Maanta Saxaafadda Kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay Xukuumaddu sanadkan cusub samaysatay Qorsheyaal kor loogu qaadayo Bilicda Magaalooyinka Dalka iyo Cidhiidhiga Waddooyinka Caasimadda oo la mari kari la’yahay.

Wasiirka ayaa wareegtada cusub ee soo saaray kusoo hadal qaaday arrimaha qurxinta Magaalooyinka, xilli aan meeshoodii laga qaadin amarro sidan oo kale sanadkii hore uu ugu sheegay in lagu dhaqmo oo Bilicda Caasimadda u badnaa, “Hadii aanu nahay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Ha’yadaha hoos yimaada ee ay ugu horeyaan dawladaha hoose ee gobalada iyo degmooyinka dalka,waxaan doonayaa in aan halkan maanta uga jeediyo in sanadka cusub 2015 ee inoo bilaamaya aanu xooga saarno laba arimood oo kala ah bilicda iyo quruxinta magaalooyinka dalka.”ayaa lagu yidhi Amarka wasaaradda Arrimaha Gudaha Maanta kasoo Baxay.

Wasiir Warancadde, waxa uu Amray Dawladdaha hoose inay hirgaliyaan amar hore uu u soo saaray oo aan sidiisii u hirgalin “ waxaan ku amrayaa dhamaan dawladaha hoose ee dalka in la fuliyo hawshii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo mar-markii, isla markaana ay nadiifiyaan oo Nin waliba uu xaadho gurigiisa hortiisa sidoo kalena dawlada hoose ay yiyaguna dhinacooda xaadhaan si ay magaaladeenu u noqoto mid nadaafadeedu aad u sareyso”.

Wasiirku waxa uu soo saaray amar cusub oo ku aadan Waddooyinka Hargeysa oo Cidhiidhiga Baabuurtu saamayn xooggan ku yeeshay, isagoo tilmaamay in laba wado look ala jabin doono Baabuurta “Magaaladan Hargeysa waxaa ku soo batay gaadiidka. wax-yaabo badan ayaa noqday mid adag isla markaana kaliftay in aan leysku socon karin oo qofkii shaqo ku deg degaayey ama caruurtii schoolda la geenayey ay dhibaato badan kala kulmeen sidaas tarteed waxaanu amar ku bixineynaa in labada wado ee ay mid tahay ta hor marta madaxtooyada ee labada dhinac ba loo socdo in dhinac uun loo socon doono oo dhinca qorax u dhaca ay baabuurtu u socon doonan waxii todobaadkan ka danbeeya   dawlada hoose iyo ciidamada wadooyinku ay ka gudan doonan wajibaadkooda” ayuu yidhi Wasiirku

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sharaxay wadada ay marayaan gaadiidka dhinaca Bariga u soconaya “Baabuurta u socota dhinac magaalada ama qorax ka soo baxa waxaa ay mari doonan oo ay isticmaali doonan wadada xaga danbe ka marta cisbitaalka weyn ee magaalada hargaysa labaadsi wadana waxaa ay ku kulmi doonana laba meelood oo ah hotel guuled oo dhinca galbeed ah iyo kaalinta ina galan oo dhinca bari ah markaasi labadaasi wado waxaa ay noqon doonan in wado waliba ay midna qorax u dhaca u socta midna qorax ka soo baxa u socota”

 

Wasiir Cali Warancadde ayaa bishii August ee sanadkii 2013-ka soo saaray Digreeto lagu amrayay in Meherad kasta oo ganacsi kuna soo jeeda Laamigu horteeda Mar-mar dhigto, laba geedna ku beerto,islamarkaana Haan Qashin dhigto horteeda,iyadoo sidoo kalena Dawladda hoose la farray inay nidaamiso Biraha Laydhka meelkastana dhigto Haamaha Qashinka, hase ahaatee badiba arimahaasi may noqon kuwo hirgalay, tiro yar oo ganacsato ah ayaa hirgalisay dhigista Mar-marka.

Sidoo kale waxaan hirgalin qorsheyaasha Wasiirka ee ku aadanaa in Xadhka isgaadhsiinta iyo Laydhka la mariyo dhulka hoostiisa islamarkaana uu mudo u qabtay in Biraha Laydhka iyo Xadhkaha dusha mara lagu cidhibitiro. Waxa kale oo aan noqon mid hirgasha qorshe ahaa in magaalada Dhir lagu beero.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version