WAJAALE NEWS

Wargalinta U Diyaar garowga Munaasibadda Xuska dhalashada Rasuulka Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee;

War-Saxaafadeed

Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) oo xarunteeda guud tahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ,ayaa waxay Bulshada Muslimiinta ah meel kasta oo ay daafaha caalamka ka joogaan ku Wergalinaysa in ay u diyaar garoobaan Munaasibadda Xuska dhalashada Rasuulkeenii Suubanaa ee Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee

 

Taasi oo ku beegan maalinta Sabtida ee Taariikhdu tahay 12 Rabiicul-awal 1436 Taariikhda Hijriyada 02/01/2015 -ka ee taariikhda Milaadiga.

 

Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo Qaban-qaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) Waxay Umada Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan ay ku Baraarujinaysaa in ay ka wada qayb qaataan lana weyneeyo Munaasibadaha loo qabanayo dhalashada Nabiga(NNKH)

 

Alla Mahadleh

 

Gudoomiyaha (Jimciyatul Axbaab) Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi Nuur

Exit mobile version