Waxa sanadkii ugu danbeeyey saxaafada Somaliland ka dhamaan la’ muran siyaasadeed aanay bulshada Somaliland badankeedu fahmin ujeedadiisa, marka laga reebo reerka sacad muuse oo isagu kaligii isku haysta musharaxnimada kursiga madaxwaynaha ee ka dhexeeya Somaliland oo dhan.
Maalin iyo habeen kasta waxaa shaashadaha TVyada taagan dad sheeganaya in ay yihiin Salaadiin. Cuqaal iyo madaxdhaqameedkii beesha sacad muuse oo isku haysta musharaxnimada kursiga madaxwaynaha oo qaar leeyihiin muuse biixi baan taageersannahay, qaar kale oo iyaguna diidan, qaar iyagu cod baan qaadnay oo hebal baa ku guulaystay oo aan musharaxa u dooranay leh iyo kuwo kale oo ka soo hor-jeeda.
Haddaba waxay iswaydiintu tahay oo ay beelihii kale ee reer Somaliland fahmi waayeen in Sacad muuse ka qanciyana ay uga fadhiyaan su’aalahan soo socda.
1- Doorashada sacad muuse u xulay muuse biixi in uu musharaxa madaxwaynaha yahay waa doorashada xilima dhacaysa?
2- Ma jaaniska labaad ee madaxwayne siiraanyo marka uu dhamaado 6 sannadood kadib ta dhacaysaa?
3- Ma madaxwayne siiraanyaa sacad muuse oo kaliya dhaqta ugu qabtay in aanu sharaxnayn doorashada soo socota ee hal sanno kadib dhacaysaa?
4- Ma sacad muusaa golihii dhexe ee kulmiye noqday oo siiraanyo ku badalay muuse?
5- Ma muuse biixi baa ka noqday tanaasulkii uu hadda ka hor isagu afkiisa ka yidhi madaxwaynahaan u tanaasulay oo doorashadan imika fooda inagu soo haysaan tartamayaa baa?
6- Ma sacad muuse iyo beelihii kale ee Somaliland baa isku af-gartay in kaligood loo daayo musharaxnimadaa, mise beelo kaleba ma jiraan baa?
Gabagabadii sacad muuse waxa looga fadhiyaa in ay faahfaahiyaan doorashada ay kaligood isku haystaan xiliga ay dhacayso.
Ahmednasir Sultan Abdurahman
togwajaale1@hotmail.com
063-4467755