WAJAALE NEWS

Raysal Wasaare Cabdiweli Oo Si Buuxda U Aqbalay Go’aankii Uu Baarlamaanku Maanta Kalsoonidii Kagala Noqday Xukumadiisa

Muqdisho-(Wajaalenews)- Raysal Wasaare Cabdiweli ayaa lagu soo waramayaa in uu aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka Somalia uu maanta kalsoonidii kala noqday xukuumadii uu Raysal Wasaaraha ka ahaa, sidaana waxa warfidiyeenadda goor dhawayd u sheegay Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxaanu af-hayeenku intaa ku daray in uu wixii faahfaahin dheeraad ah ee arrintan la xidhiidha uu beri tafaasiil dheeraad ah ka bixin doono.

Raysal Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii xoogga lahayd iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudaddii ay xilka ahysay ee ay shaqeyneysay.

 

Exit mobile version