WAJAALE NEWS

Raysal Wasaaraha Djabuuti oo M.weyne Axmed Silaanyo U Soo Gelbiyey Garoonka Caalamiga ah Ee Diyaaraha Jabuuti

Jabuuti(Wajaalenews) Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa ka ambabaxay Dalka Jabuuti oo uu maalmahan u joogay heshiiska qodobada adkaynta shirarkii hore loogu soo kala saxeexday Dalka Turkiga, oo shalay lagu sii xoojiyey 6 qodob oo uu markhaati ama goobjoogka ahaa madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar.

Madaxweyne Amxed Maxamed Silaanyo iyo Weftigii uu hogaaminaayey waxa saaka subaxnimadii hore  Hotel kii ay degenaayeen ee Kempinski ku soo boqday Raysal Wasaaraha dawlada Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo madaxweynaha iyo weftigiisa ka soo gelbiyey Hotel kii ay degenaayeen iyad aoo wadooyinka Caasimada aad loo adkeeyey isla markaasna soo gaadhsiiyey Qolka VIP-da ee Garoonka halkaasi oo ay qadar saacado ah ku nasteen, iyaga oo markii danbena diyaarada Madaxweynaha iyo weftigiisa qaadaysay uu Raysal Wasaaruhu kaga hadhay, weftiga madaxweynuhuna u so ambabaxeen Somaliland-Hargeysa

 

 

Exit mobile version