WAJAALE NEWS

Meydka 8-Carruur ah Oo Laga Helay Aqal Ku Yaalla Dalka Australia

Cairs:(Wajaalenews)Ciidanka Ammaanka ee Magaalad Cairns ee Daka Asurtalia, ayaa aqal gudihiisa ka helay Meydka 8-carruur ah oo middi qudha lagaga jaray.

Gurigan ayaa sidoo kale laga helay haweenay dhaawac ah, illaa iyo hada lama yaqaan cida ka danbeysa dilkan loo geystay sideedan caruur oo da’adoodu u dhaxeyso 1.5 sano jir illaa 15 sano jir.

Haweeneyda dhaawaca ayaa dhashey 7 ka mid ah caruurta halka kan sideeda ku ah uu qoys kale ka tirsan yahay.

Ciidamada magaalada Cairns ayaa gebi ahaan xidhay qeybo kamid ah magaaladaasi iyadoo dhacdadan kusoo aaday xili heegan la geliyey ciidamada amaanka ee dalka Australia kadib weerarkii Isniintii ka dhacay magaalada Sydney.

Wax faah faahin ah lagama bixin cida falkan ka danbeysa, balse Booliiska oo baadhitaan wada ayaa saxaafada u sheegay inay soo saari doonaan wabrixin faah faahsan marka uu dhamaado baadhitaanka.

 

Exit mobile version