Geediga dheer ee ay bulshadeenu ugu jirto in ay ka mid noqoto bulshooyinka qaran maamuus iyo milgo leh ku nool sida dhigood, maaha mid hal maalin nasasho ama geed hadhkiis ku yara nastay, ee waa mid aan loo kala hadhin qof weyn iyo mid yarba, waxa bulshadeenu u xusul-duuban tahay rumaynta in qarankeenu ka mid noqdo, kuwa dhigiis ee maamuuska iyo milgaha qaranimo hadh-sanaaya.
Hawshaasi maaha mid fudud ama cid kaliya lagu dayn-karo, ee waa mid u wada taal 4 milyan ee qof ee qarankeena wadaaga, waxana taas ka dhalanaaya in guusha soo dhicinteeda aan cid gaar uga sheegan Karin, bulshada qayb ka mida, ee sida loo wada leeyahay raadintiisa ayaa guushana loo wada-wadaagayaa.
Raadinta iyo u guuraynta hawshaasi maaha mid manta oo aan qormadan aan qoraayo ka bilaabantay ee waa mid inta aan jiro ka weyn, oo ah guure bulsho u guuraysay si ubadkoodu kaligood wadaagaan dheefta qarankooda, oo aan cid kale la wadaagin, iyada oo taasi tahay runta qarankeenu ku qotomo, hadana waxa manta oo aan qoraayo, qormadan, oo ah mid aan ugu hiilinaayo qarankayga Somaliland, aniga oo si-weyn ugu dhaadanay qofnimada aan leeyahay iyo qabka qarankaygu I-saaray ee aan cid iga sarayn iyo korayn kartaaba aanay dunida ku noolayn, aniga oo sidaas u dhaadanaaya, ayaan raba in aan si hufan oo furfuran aan u qeexo halka uu maantana maraayo baadi-doonkaas qaran, ee aan waligii joogsanayn, tan iyo inta qarankeena uu ka maqan yahay wax kasta oo uu gar u leeyahay.
Gartaas manta qarankeena ka maqan waa laba, waxana ay tahay, mid gudaha qarankeena ku maqan, iyo mid dibada kaga maqan, waxana aan manta u jeedaa tan qarankeena dibada kaga maqan oo ah, sidee qarankeenu uga mid noqdaa qaramada dhigiis ah? Taas weeyi ta manta inoo madal iyo miisba taalaa, waana ta aan war-celinteeda aan madashada wadahadalada qarankeena iyo Somalia ay ku fadhido, waana takaliya ee dhagaha bulshada Somaliland gali karta, wixii aan taas oo kaliya ka ahayni waxa uu halis galinaya Somaliland oo kaliya maahaa ee waddnaha geeska afrika iyo marin-biyoodka gacanka Saylac ( Gacanka Cadmeed).
Hadaba maxay ku fadhidaa gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele? Maxaa inooga soo midho-go’ay? Guusha se aan Cabdale ahaan aan sheegaya halkay fadhidaa?
Kuwaas weeyi weydiimaha aan rabo in aan furfuro, iyada oo aan rabo mid kasta in aan habka iyo sida dhabta ah ee ay tahay aan u furfuro, iyada oo waxa aan ka duulaya tahay, xogta dhabta ah ee aan ka ogahay, iyo sida aan hawshan aan xilka aadka u weyn aan dusha isaga saaray waana garta dhabta ah ee qarankayga somalaliland igu leeyahay.
- Maxaa keenay in jabuuti lagu qabto?
Maaha wax yar oo si fudud ku yimi ee waa hawl rag u kacay oo rabina rumeeyay, haba raagtee, runtuna waxa weeyi, Jabuuti waa qayb ka mida waxa aan isku hayno hadii aan nahay bulshada Somaliland iyo Somalia, waxana ay taas u tahay waa bu’da iyo isha uu ka soo butaacayo, murankan mudo dhaafay, waayo waxa weeyi iyada oo ay fududahay in si dhaba looga war-celiyaa, haddana cid bay dhibaysa, haba dhibtee waxa ugu weyn ee bulshadda Somaliyeed, ee afka iyo dhaqanka wadaagtaa isku dhaarsadeen in ay midoobaan oo hall sumad oo wada kulmisa ay hoos hadhsadaan, taas oo ay Somaliland iyo somaliya u midoobeen, heshiiskuna uu ahaa in labada midoobay ay raadiyaan inta kale, inta maqanina ay guusha dhankooda ka baadi-doonaan, hawsha ugu weynina ay dusha ka saran tahay, maxaa yeelay sida labadaasi guusha u gaadheen baa looga rabay in ay taag iyo tamari meel ay dhigtaba ay soo raad-sadaan labadas, taasi may noqon oo cidii ugu horaysay ee heshiiskaas ka baxdaa waxa ay noqotay Jabuuti, taasina waxa ay keentay in labadii kale ay is-weydiiyaan horta maxaad kuwada joogtaan? Iyada oo ay jiraan wax-yaabo kale oo taas xoog iyo miisaan u yeelayay, iyada oo dareenada iyo fal-celintuba taas Jabuuti ka horaysay, waxana marag u ah Af-gambigii dhicisoobay ee 1961 iyo diidmadii ay diideen bulshada Somaliland diiday distoorkii midnimada 1960, waxaas iyo nabaro badan oo aad iyo laxaad u fool-xun ayaa keenay in bulshada Somaliland ay si niyada uga baxdo raadinta hamigaas qaawan, ee ah dhalaan-habaabita iyo riyo aan rumoobi Karin, maxaa yeelay waa dhamaaday facii ay midoobi jireen bulshooyinka af-wadaagta iyo isir-wadaagta ahi, waxana marag cad u ah in aanu jirin hal-qaran oo manta mid kaliya oo intaas ahi kulmiyaa, waxana ay kala yihiin qaramo mid kastaa dhankiisa u tashado.
Dhicisnimada ku timi riyooyinkaas ayay ka mid tahay waxa helay riyada somaliweyntana, ee maaha wax iyada oo kaliya ku gaara, hadaba weydiinta meesha taala waa tan, iyada oo weydiintaasina u taal bulshada reer Jabuuti oo dhan, waxana weeyi.
Maxaad uga baxdeen wixii ay Somali ku heshiisay? Maxaad se manta idiin meel yaal mar hadii 3dii gees ee soomali u badd-baaday ay manta joogaan caasimada Jabuuti? Maxaad rabtaan manta? Ma in dib loo midoobo? Mise in gees walba Ilahay meeshiisa ku barwaaqeeyo?
Dhamaan waa kuwo si gaara ugu yaal bulshada reer Jabuuti, taasina waxa ay si dhaba ay uga run-sheegaysaa weydiintan oo ah, in bulshada somaliyeed iyada oo dhan ay hal-mar is-weydiiso:- Maxaa keenay in aan middawno? Ma dhab baa midnimadu mise waa dheel dheel? Maxaa inaga qaloocday? Ma toosin karnaa? Hadii se aan toosin karno habkee iyo qaabkee ayaan u toosin karnaa? Ma in dib loo wada midoobaa? Mise waa in madashaani noqoto mid aan isku wada cafino oo ku wada noqono qaramo madax-banaan oo wixii wada dhalasho ahi ka dhaxayso, qaran kastaana wixiisa gaar u maamusho?
Waxa kale oo iyaduna meesha taal oo ah weydiimo gaara ugu yaala Somaliland in ay si dhaba uga war-celiso madashana keento weydiimahan.
Maxaad keenay in aan la midawdaan Somalia? Maxaase keenay in aan ka baxdaan midnimadii 1960? Maxaad se manta diyaar u nahay hadii aan bulshada Somaliland nahay?
Waxa kale oo weydiimo gaari u yaalaan somaliya in ay iyaduna si gun-dheer uga war-celiso weydiimahan iyada oo madasha si hufan u soo dhigaysa war-celinta weydiimahaas waxana weeyi weydiimuh:-
Maxaa keenay in ay burburto midnimadii 1960? Yaa ka masuul ah burburkeeda? Maxaa taas marag u ah ee qeexaya cida burburkaas masuulka ka ah? Mise waxaa jira cid kale oo burburka midnimada somalida ka masuul ah? Maxaad cadayn ugu haysaan in ay qayb ka yihiin burburkaas? Maxaanta maxaad diyaar u tihiin? hadiiba se ay midnimo meesha timaado qaabkeed u aragtaan midnimada? Ma mid Somaliya iyo Somaliland ah baa? Mise waa mid ah Somaliland jabuuti iyo somaliya? Mise qaab kale ayaad rabtaan in la noqdo 3 qaran oo is-feedh yaal?
Dhamaan waa weydiimo si gaara ugu yaal somaliya, iyada oo hawsha ka war-celinta weydiimahaasi aanay ahayn qaar si-gun-yar loo gali karo, mid kasta oo weydiimahaas ka midina ay u baahan tahay furfurid intaas ka balaaddhan, se cabdale ahaan waxa ii muuqata in wediimuhu ay yihiin qaar u yaal qayb-kasta oo ka mida Somaliland,jabuuti iyo Somaliya, waxana aad u habaan, oo gunta dhabta ah ee war-celinta weydiimahaasi u taala, oo ay haboon tahay in qolo kastaa qaybteeda ka war-celiso.
Se waxa noo yaala hadii aan nahay bulshada Somaliland in aan qabtayada aan ka war-celino, oo ah weydiinta dhabta ah ee manta madasha taal taasi oo ah in labadan mid uu inoo kala dooro Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
- In aan dib u midawno, inaga oo ah Somaliland, Jabuuti Iyo Somalia, caasimada uu inoo kala dooro, ta ay noqonayso?
- Iyo in aan noqono 3 qaran oo is-feedh-yaala, oo kala ah Somaliland , Jabuuti Iyo Somalia ?
Intaas oo dhan wixii ka soo hadhaa, waa colaad iyo nacayb cusub oo kan hada dhex-yaal bulshada somalida ka weyn, oo keena in dhimashada iyo dhibta manta haysata bulshada somalida uu sii kun-jeer laabmo, oo dheefta iyo dhaqaalaha yar ee ay haystaan ay dib ugu soo iibsadaan hub ay ku sii badiyaan dhimashada iyo burburka.
Waa war-celinta u taal Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waana weydiinta kaliya ee jaan-goyn-karta geediga ay guurayaan bulshada somalidu, tan iyo noloshooda dambe, waana ta keentay in jabuuti lagu qabto, waxa se meesha taal Intee ayay dareemayaan hogaamiyayaasha meesha ku kulmay culayska intaas ah? Maxaa se ka runna in si-dhaba la isku weydiiyay waxa ka qaloocday bulshadda somalida?
- Kala taga baa lagu heshiiyay
Aad bay u fududahay in la yidhaa waxa lagu heshiiyay in laba qaran oo is-feedh-yaala la wada noqdo, waxa se meesha taal maxaa taas run ka dhigaaya, oo miisaanka runta xoojin kara, iyada oo wixii naaxin ah laga dheeraanayo?
Taas waxa ugu weyn sida looga dheehan karo markii la qaatay, weydiinta labaad ee dhanka Somaliland ka timi, markii Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele uu diiday in sidii hore Somali ugu heshiisay loo midoobo, ayay meesha timi, haddaba hadii la waayay wixii dhabta ahaa, maxaa noo diidan hadii aan nahay bulshada Somaliland in aan noqono qaran madax-banaan sidii aan markii horeba aan u ahayn? Mise waxa uu Madaxweyne Ismacil Cumar Geele u leeyahay maaha mid aniga ii taal midnimada Somalidu, ee dantayda ayaan raacaye, idinkuna wixii aad dan moodaan qaata?
Waxana taas marag u ah qodobka labaad ee hedhiiska jabuuti, kaas oo qeexaya si-caddna u sheegaya in aan wixii shirkan jabuuti ka dambeeya loo warego qaybta labaad ee wadahadalada kaas oo in gunta loogu daadago, oo si dhaba loo noqodo laba qaran oo is-feedh-yaala, mar hadii wixii dhabta ahaa meesha ka baxay, waxana uu lee yahay:-
2-labada dhinac waxa ay ku hedhiiyeen in arimaha siyaasada ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo wixii hore loogu heshiiayay oo ah :-
- In laga dhawrsado wixii wadahadalada carqalad galin kara.
- In aan la siyaasadayn deeqaha Aadaminimo iyo mashaariicda dib u dhiska, walibana la dhiiri-galiyo.
- In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu salaynaayo wixii lagu heshiiyay.
Waxana sidoo kale uu qodobkani qeexaya taas kore marka laga yimaado, in laba qaybood lagu fadhiisiyay wadahadalada, si aan marka koowaadba aan look ala boodin, waxana ay kala yihiin labadaas qaybood kuwan:- 1- In waxa kasta oo xumayn kara wadahadalada meesha laga saaro, lana bogsiiyo dhamaan wixii nabaradaas dilaacin kara, si aanay halis u galin midhaha dhabata ah ee laga sugaayo wadahadalada.
2-In hawshaasi marka ay dhamaato, loo wareego ujeedada dhabta ah, oo ah in si wixii la iska kaashan karana laga wada heshiiyo, lana noqdo laba qaran oo is-feedh-yaala.
Waxa kale oo taas iyaduna sii xoojinaaya oo aan si kaba xoog-weyn qodobkaas hore u sheegaya, qodobka kaas ku xiga oo ah:-
- Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in dawlada Jabuuti laga qayb-galiyo wadahadalada marka loo baahdo.
Faalo iyo furfurid uma baahna, ee nin raga iyo doqonba waa loo saafay, horaana loo yidhi hadal iyo hilbaba waa la saafaa, kaliya weydiinta dhabta ahi waa hadii waxaas oo dhan ee aan soo sheegay oo midnimo kaw ka tahay lagu heshiiayay maxaa keenay qodobkan? Taas waxa aan u dhaafaya in ay ka war-celiyaan cida wali uu daahu ka saran yahay, ee wali sugaysa rajada dhimatay ee midnimada ah, in ay keenaan wax taas aan ahayn.
Kuba sii dar taas, waxa kale oo iyaduna keeya afka lagu dhigay, oo ah afka ay sida dhabta ah ugu wadahadasho bulshada somalidu, waana hantida dhabta ah ee sumada iyo sawraceeda lagaga soo baadi-sooco bulshooyinka kale.
Waxa kaliya oo aan ku soo xidhaya waxa kaliya ee qabkayga rumaynayaa ee u diidaya beenta oo ah, dhamaadka war-qadda, oo ah suulka iyo saxeexa labada madaxweyne, taas oo aan Ilahay ugu mahadiyo,in aan nololl aan ku soo gaadhay, guushaas, inta kalena aan Ilahay ka baryaayo inuu I tuso, Somaliland oo ah qaran ka mida qaramada hadh-sanaaya geedka ay wada hadh-sadaan bulsha weynta dunidu, waana geedka qaramada midoobay.
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoonta Xeerarka
Email:- cabdale1987@gmail.com
Mobil:- +967-733-087-526
30/12/2014