WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo Taageerada Uu Dhallinyarada Siiyo Lagu Guddoonsiiyey Koob Qiimo Badan

Hargaysa:(Wajaalenews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa taageerada iyo Dhiirrigelinta uu Da’yarta waddanka siiyo darteed waxa Maanta lagu maamuusay Koob Loogu Magac daray Garoomada Casriga ah.

Koobkan ayaa waxa madaxweynaha ku Maamuusay Xubno qurbrjoog ah oo si fiican ula socda sida fiican uu u dhiirrigeliyo Dhallinyarada oo intii uu xilka Madaxtinimo hayey loo sameeyey waxyaabo ku dayasho mudan.

Koobkan ayaa waxa Madaxweynaha Gacantiisa ka geliyey Xasan Waraabe Cadde oo ka mid ah Qurbejoogga u dhaqdhaqaaqa arrimaha Dhallinyarada, isla-markaana ahaa ninkii ugu horreeyey ee Waddanka keenay Roogga Doogga ah oo haatan dalka si weyn loo keeno, isla-markaana dhallinyaradu wax badan ka faa’iideen.

Kooxdan ayaa waxa ay Madaxweynaha ku ammaaneen sida uu cashuurta uga dhaafay agabka garoomada casriga ah loogu horumarinaayo, iyadoo la wada Oghayahay sida ay agabka Sportigu ugu soo badanayaan Gudaha Somaliland.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey kulankaasi Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, Afhayeenka Madaxweynaha, Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, La taliyaha Arrimaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, Mudane Cabdifataax Siciid Axmed.

Halka ay dhinaca Qurba-joogtana ka socdeen Mudane Xasan Waraabe Cade, Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan (Mingiste) Guuleed Cabdi Maxamed Gudoomiyaha, Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version