MUQDISHO(Wajaalenews)— Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goor-dhow ku dhawaaqo ra’iisul wasaare cusub, kaasoo bedeli doona ra’iisul wasaarihii kalsoonida lagala laabtay.
Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga yeeray wariyeyaasha si ay goob-joog uga ahaadaan ku dhawaaqista ra’iisul wasaaraha cusub oo noqon doona kii saddexaad oo uu ku dhawaaqo madaxweyne Xasan Xasan tan iyo markii uu loo doortay xilka madaxweynenimo ee Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in lagu wado in ra’iisul waasaraha cusub lagu dhawaaqo wixii ka dambeeya 4:00 galabnimo ee maanta, iyadoo wararka ku dhow-dhow madaxtooyada ay sheegayaan in xilka loo magacaabo, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay la kulmay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo shalay Muqdisho soo gaaray, isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo xukuumadda uu soo dhisayo.