Gabaygan “RAAD ABEESO” waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”, 25.10.2014 Gabaygani waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa dhibaatada iyo aafada culus ee ay qabyaaladdu nolosha bani aadamka gayaysiiso. Iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed u ragaadisay. Gabaygan loolama jeedo cid gaara, balse bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba waa mid khuseeyaa waxana uu ka digayaa cidhib xumaanta Qabyaaladdu gebi-ahaanba nolosheenna ku hayso, maamulka, caddaaladda, shaqada, horumarka, midnimada iyo jidka nolosha cagaaran, waxa uu Gabaygu waano u yahay inta ummadda xilka u haysa, hoggaanka, siyaasiga, xisbiyada, goleyaasha, madax dhaqameedka, inta ummadda u hormuudka ah, da’yarta iyo shicib waynaha, laga dhaadhiciyey qabyaaladda, Wuxu ku bilaaday sidatan:
Rakaal gabay Cashuuruuw inbadan, maan rogaanrogine
Ma rakaadin raasiga midhii, ridimku saarraaye
Ma riddaynin rooxaanigii, raahibka ahaaye
Ma rakibin manaan rabin, umana roorayne
Ma racwiyin ma raaridin tixii, sooma raarogine
Maanso uguma raaxayn dhegaha, raatibtaan baraye
Maantana rabbaa ii diraye, kuma riyoonayne
Rigta danab riddaa waran dhulbaan, riig ku qodayaaye
Rokodkeeda faallee halkaan, rabay inay gaadho
Inkastaba ka raagoo qalbiga, reel godlaa jira e
Waa raysin gaaxdoo marbaad, ramad salaaxdaaye
Riigaanka xiinkiyo marbuu, roob ku kiciyaaye
Ruxankiyo dabayluhu marbay, riix ku mariyaane
Ruxay dawanka raadaal caroog, riin dhawaaq kulule
Suugaan rankeediyo midhaha, raar horlaan furaye
Ruuddanaan Sandheeroow rabaa, reer ku doogsada e
Aftax raawa-raawaha Ra’ doo, Reged ku weedhaami
Oday nolosha raadshoo rog-rogay, amase raad goobay
Saadaasha raajici godkii, ribban ka faallooye
Rag malluugta raaca iyo xidigis , ruuxiyaa jira e
Ruug caddaagu hillaad raaran buu , talo ka reebaaye
Anna ruuf rajalaha dushaan, raanta falanqayne
Rokodkeeda faallee halkaan, rabay inay gaadho
Rucdi baa ku yuurura dadkiyo, raaquf laasimaye
Rixim -goys raxmad nimaan lahayn, nalagu soo raafye
Rabbi nimaan aqoon iyo runbaa, raysinkii helaye
Liciin ruxaya daaf iyo qabiil, reer ballaysime e
Rog-rog malaha rajo iyo gadaal, taliyo raadkeede
Ra’yi lama wadaagiyo aqoon, yawgu midho roone
Raganimo waxaw mudan rubaab, ruux adduun sida e
Riyo-raac hadduu yahay milgaha, tiisa lagu raacye
Ruuggaa laysu faytoo adduun, shilin la raacdeeye
Raba-rabada been raamsigiyo, ruufka iyo taaha
Ruquunbaha dalaal raadintiyo, reer isugu baanka
Lufad raradka ribo orod ku doon, rubuc ku haaraanka
Rogob duugge ruux dagan ajale, raar indhaha saare
Is rogaan-rog raqad laba wejile, subaxba qaar raace
Raran huriye risiq olol ku doon, riximka jaajuuse
Ragaad kiciye Qaran ruugga jare, raq iyo mayd duuge
Riyo geliye wadnaha roorka sudhe, hadalka raaxeeye
Ramad gudhiye hal aan rimin sallaax, reer indhaha saabshe
Ri’ ma dhaafe riyaal saxar ku qaad, raashin ma hanbeeye
Raad jiirle halkuu rudhay afuuf, ra’ iyo been dhaarte
Af raxiimle agoon rodol ka xade, raad-gad salabayste
Isku ride kuraan ruug ku dare, liqe ma riixoode
Isku riixe Rati soo fadhiya, roog iskaga biiye
Lafta ruuge gondaa kama ruqade, raamsi kama daale
Dhibiiq roora raran iyo kudkude, nalagu rookeeye
Riq-riq iyo raxaad bays bedelay, raaquf been sida e
Ruux waliba ruux buu god dheer, dib ugu riixaaye
Rifaa waliba raadkii horuu, dib u rusheeyaaye
Raqle waliba raqda wixii hadhuu, raaquf leeyahaye
Rite waliba rubuc yaallay buu, rodol ku duubaaye
Rubad waliba riyaal bay kuraan, raaci leedahaye
Raxan waliba ruushkii tegay, qalinka raacdaaye
Rajiim waliba reer buu u yahay, ina Rasuuleede
Radiiqaaba reer baa u xulay, raamsi iyo boobe
Raggu horumar riyuu kaga jiraa, beliyo reer-reere
Ruuxii guul rumaynlaa qabiil, reebayaa dilaye
Rajadeedu waxay raaran tahay, meel runduuda ahe
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye
Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e
Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye
Afartaa sidii roob onkoday, ma uga riigaanshay?
Ma riddeeyey sida leeb halkaan, rabay ma liishaamay?
Ma raseeyey gabay raagayoo, arar ma riigeeyey?
Sidii raysin aan horay midhii, ma u rakaad saaray?
Sida riinka dhiilada la rido, ma ugu reexaamay?
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye
Bal aan rays ma gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e
Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye
Reer muslima riijam gaalo taal, ama cawaan ruusha
Raas waliba dhaqan uu raboo, raacayaw qorane
Ruuxba xeer rabbeeyiyo dhigaal, riixayaa xidha e
Reer qabyaalad diin raaciyoo, raba dastuur gaalo
Dhaqan reer galbeed iyo nidaam, laysku raray haysta
Oo raadsha nolol raagta iyo, raaxo lagu waaro
Maw rumoowdo rabitaanka qaran, waa riyoo kale e
Ruqan wayaday ruqo kii lahaa, dabada riixaaye
Ra’yi malaha raacdada nin yidhi, reer ku soo xulo e
Rajadaada waw cadaw nimaad, qolo ku raacdaaye
Wax ku riiqay rifaagaad adduun, ugu rixlayseene
Sooma ramadsho rijaalkii dhurwaa, geela raacsadaye
Sidii raad carruureed dib baad, isu rogaysaaye
Raad arooryo weeyaan illaa, Raydab khaatumo e
Markaad roor tidhaahdaba dib baad, fadal u riixdaaye
Waa dhego radeebmiyo ilaan , dayaynin meel roone
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye
Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e
Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye
Rag ninkii aqoon iyo garaad rabbi, ku maansheeyey
Waajib baa ku raran oo inuu, reebo loo diraye
Maad rumaysan raggii hore murtay, kugu rakaadeene
Maad rumaysan rankii Tima-Caddiyo, inan rijaalkiiye
Maad rumaysan ramad iyo Gaariyoo, ruudda kuu xulaye
Maad rumaysan Af-qallooc rajada, raysin kuu godolye
Maad rumaysan Iidaan raabiguu, reemi jiray waa e
Maad rumaysan riddii Qaasim iyo, rididimkiisiiye
Maad rumaysan rucubtii Gadhliyo, raarkii maansada e
Maad rumaysan rigtii faarax nuur, midho rasayntiiye
Gabay raagay Hadraawoo rakibay, kaama raaridine
Arar raad leh Ganay maad rumayn, tixaad ka reeb taane
Rabbuun baa dhegtuu waaniyaa, talada raacdaaye
Aniguna rarkeeda iyo xilkaa, wayska ridayaaye
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye
Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e
Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye
Riga_rigada maansada waxaan, gabay ku rookeeyey
Rogmashiyo halaag iyo raxaad, aafo lagu riiqday
Rucdi iyo masiibiyo xanuun, raaftir lagau sheegay
Rafaad belo khilaaf baa u wayan, lagau ridaa duule
Rar-raroo dhammaantood haddaad, gees isugu riixdo
Rabbiiloow qabyaaladi dhib waa, rixim u hooyaahe
Rugna kuma negaatoo ifkay, raran ku oogtaaye
Waa Raad-Abeesoo majiro, ruux ku doogsadaye
Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e
Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye
Ruug jabay ruclaha diid luguhu, fadal ma riixaane
Roorka dhabarka riciraha miskaha, raar is wada dhaafay
Haddii raqabad rubad iyo afwayn, riin ku kala boodo
Raamsiga ilkaa iyo indhuhu, ruxan ma daayaane
Noloshuna rabbay kaa rabtaa, ruul la qaayibo e
Raas caddaaladeed baa naflaha, raaxadii tahaye
Meel kalood u raacdaaba waa, daw ragaad badane
Noloshii rafaad badanba waa, lagu raxaadaaye
Raaf dillaaca ruux kastaaba waa, raran gubyoodaaye
Guri raran leh raas dulin ka kacay, waad ka rogataaye
Hoggaankii ruquusaana waa, raygalaa qarane
Raqdan ubadka baddu soo rogtaye, Rooma lagu daadshay
Inta bahalku raamsaday dadkaa, dhidarku ruugaayo
Raxan raxan maydkays barkaday, waa rag kaa maqane
Waa runtoode rajo xumay lafaha, ugala rooreene
Dan baw riixday inay raadiyaan, nolol ka door-roone
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye
Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e
Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye
Intii lays riq-riqayaa hir kale, soo ruqaansadaye
Ruux halkuu ka guuraba dar baa, lawdh ku soo roga e
Rugtaad gacal ka riixdaba dar baa, reer ku soo fura e
Wakhti aan ridnayn baa guryahan, ruush hantiyayaaye
Rabboo caynsha mooyee ma ogi, raaftar kuu hadhaye
Raad qabyaaladeed iyo jid kaad, raacday soo xidhanye
Raasamaalka raandhiiska hadha, nolosha raadkeeda
Riyadaadan reer hebel waxay, reebto la arkeeye
Rajadaadii aayaha haddaad, sii rafacaysaaye
Rawaxaadda uun dhawr dal aad, rahantay weeyaane.
Dhamaad