|
|||||
WAJAALE NEWS
GUDAHA KA AKHRI ;GABAYGA (RAAD ABEESO) ABWAAN MAXAMED AW CALI CARTAN “Haldeeq”
December 31, 2014 - Written by Editor:Gabaygan “RAAD ABEESO” waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”, 25.10.2014 Gabaygani waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa dhibaatada iyo aafada culus ee ay qabyaaladdu nolosha bani aadamka gayaysiiso. Iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed u ragaadisay. Gabaygan loolama jeedo cid gaara, balse bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba waa mid khuseeyaa waxana uu ka digayaa cidhib xumaanta Qabyaaladdu gebi-ahaanba nolosheenna ku hayso, maamulka, caddaaladda, shaqada, horumarka, midnimada iyo jidka nolosha cagaaran, waxa uu Gabaygu waano u yahay inta ummadda xilka u haysa, hoggaanka, siyaasiga, xisbiyada, goleyaasha, madax dhaqameedka, inta ummadda u hormuudka ah, da’yarta iyo shicib waynaha, laga dhaadhiciyey qabyaaladda, Wuxu ku bilaaday sidatan:
Rakaal gabay Cashuuruuw inbadan, maan rogaanrogine Ma rakaadin raasiga midhii, ridimku saarraaye Ma riddaynin rooxaanigii, raahibka ahaaye Ma rakibin manaan rabin, umana roorayne Ma racwiyin ma raaridin tixii, sooma raarogine Maanso uguma raaxayn dhegaha, raatibtaan baraye Maantana rabbaa ii diraye, kuma riyoonayne Rigta danab riddaa waran dhulbaan, riig ku qodayaaye Rokodkeeda faallee halkaan, rabay inay gaadho
Inkastaba ka raagoo qalbiga, reel godlaa jira e Waa raysin gaaxdoo marbaad, ramad salaaxdaaye Riigaanka xiinkiyo marbuu, roob ku kiciyaaye Ruxankiyo dabayluhu marbay, riix ku mariyaane Ruxay dawanka raadaal caroog, riin dhawaaq kulule Suugaan rankeediyo midhaha, raar horlaan furaye Ruuddanaan Sandheeroow rabaa, reer ku doogsada e Aftax raawa-raawaha Ra’ doo, Reged ku weedhaami
Oday nolosha raadshoo rog-rogay, amase raad goobay Saadaasha raajici godkii, ribban ka faallooye Rag malluugta raaca iyo xidigis , ruuxiyaa jira e Ruug caddaagu hillaad raaran buu , talo ka reebaaye Anna ruuf rajalaha dushaan, raanta falanqayne Rokodkeeda faallee halkaan, rabay inay gaadho
Rucdi baa ku yuurura dadkiyo, raaquf laasimaye Rixim -goys raxmad nimaan lahayn, nalagu soo raafye Rabbi nimaan aqoon iyo runbaa, raysinkii helaye Liciin ruxaya daaf iyo qabiil, reer ballaysime e Rog-rog malaha rajo iyo gadaal, taliyo raadkeede Ra’yi lama wadaagiyo aqoon, yawgu midho roone Raganimo waxaw mudan rubaab, ruux adduun sida e Riyo-raac hadduu yahay milgaha, tiisa lagu raacye Ruuggaa laysu faytoo adduun, shilin la raacdeeye
Raba-rabada been raamsigiyo, ruufka iyo taaha Ruquunbaha dalaal raadintiyo, reer isugu baanka Lufad raradka ribo orod ku doon, rubuc ku haaraanka Rogob duugge ruux dagan ajale, raar indhaha saare Is rogaan-rog raqad laba wejile, subaxba qaar raace Raran huriye risiq olol ku doon, riximka jaajuuse Ragaad kiciye Qaran ruugga jare, raq iyo mayd duuge Riyo geliye wadnaha roorka sudhe, hadalka raaxeeye Ramad gudhiye hal aan rimin sallaax, reer indhaha saabshe
Ri’ ma dhaafe riyaal saxar ku qaad, raashin ma hanbeeye Raad jiirle halkuu rudhay afuuf, ra’ iyo been dhaarte Af raxiimle agoon rodol ka xade, raad-gad salabayste Isku ride kuraan ruug ku dare, liqe ma riixoode Isku riixe Rati soo fadhiya, roog iskaga biiye Lafta ruuge gondaa kama ruqade, raamsi kama daale Dhibiiq roora raran iyo kudkude, nalagu rookeeye Riq-riq iyo raxaad bays bedelay, raaquf been sida e
Ruux waliba ruux buu god dheer, dib ugu riixaaye Rifaa waliba raadkii horuu, dib u rusheeyaaye Raqle waliba raqda wixii hadhuu, raaquf leeyahaye Rite waliba rubuc yaallay buu, rodol ku duubaaye Rubad waliba riyaal bay kuraan, raaci leedahaye Raxan waliba ruushkii tegay, qalinka raacdaaye Rajiim waliba reer buu u yahay, ina Rasuuleede Radiiqaaba reer baa u xulay, raamsi iyo boobe
Raggu horumar riyuu kaga jiraa, beliyo reer-reere Ruuxii guul rumaynlaa qabiil, reebayaa dilaye Rajadeedu waxay raaran tahay, meel runduuda ahe
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye
Afartaa sidii roob onkoday, ma uga riigaanshay? Ma riddeeyey sida leeb halkaan, rabay ma liishaamay? Ma raseeyey gabay raagayoo, arar ma riigeeyey? Sidii raysin aan horay midhii, ma u rakaad saaray? Sida riinka dhiilada la rido, ma ugu reexaamay? Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye Bal aan rays ma gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye
Reer muslima riijam gaalo taal, ama cawaan ruusha Raas waliba dhaqan uu raboo, raacayaw qorane Ruuxba xeer rabbeeyiyo dhigaal, riixayaa xidha e Reer qabyaalad diin raaciyoo, raba dastuur gaalo Dhaqan reer galbeed iyo nidaam, laysku raray haysta Oo raadsha nolol raagta iyo, raaxo lagu waaro Maw rumoowdo rabitaanka qaran, waa riyoo kale e
Ruqan wayaday ruqo kii lahaa, dabada riixaaye Ra’yi malaha raacdada nin yidhi, reer ku soo xulo e Rajadaada waw cadaw nimaad, qolo ku raacdaaye Wax ku riiqay rifaagaad adduun, ugu rixlayseene Sooma ramadsho rijaalkii dhurwaa, geela raacsadaye
Sidii raad carruureed dib baad, isu rogaysaaye Raad arooryo weeyaan illaa, Raydab khaatumo e Markaad roor tidhaahdaba dib baad, fadal u riixdaaye Waa dhego radeebmiyo ilaan , dayaynin meel roone
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye
Rag ninkii aqoon iyo garaad rabbi, ku maansheeyey Waajib baa ku raran oo inuu, reebo loo diraye Maad rumaysan raggii hore murtay, kugu rakaadeene Maad rumaysan rankii Tima-Caddiyo, inan rijaalkiiye Maad rumaysan ramad iyo Gaariyoo, ruudda kuu xulaye Maad rumaysan Af-qallooc rajada, raysin kuu godolye Maad rumaysan Iidaan raabiguu, reemi jiray waa e Maad rumaysan riddii Qaasim iyo, rididimkiisiiye Maad rumaysan rucubtii Gadhliyo, raarkii maansada e Maad rumaysan rigtii faarax nuur, midho rasayntiiye
Gabay raagay Hadraawoo rakibay, kaama raaridine Arar raad leh Ganay maad rumayn, tixaad ka reeb taane Rabbuun baa dhegtuu waaniyaa, talada raacdaaye Aniguna rarkeeda iyo xilkaa, wayska ridayaaye Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye
Riga_rigada maansada waxaan, gabay ku rookeeyey Rogmashiyo halaag iyo raxaad, aafo lagu riiqday Rucdi iyo masiibiyo xanuun, raaftir lagau sheegay Rafaad belo khilaaf baa u wayan, lagau ridaa duule Rar-raroo dhammaantood haddaad, gees isugu riixdo Rabbiiloow qabyaaladi dhib waa, rixim u hooyaahe Rugna kuma negaatoo ifkay, raran ku oogtaaye Waa Raad-Abeesoo majiro, ruux ku doogsadaye Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye
Ruug jabay ruclaha diid luguhu, fadal ma riixaane Roorka dhabarka riciraha miskaha, raar is wada dhaafay Haddii raqabad rubad iyo afwayn, riin ku kala boodo Raamsiga ilkaa iyo indhuhu, ruxan ma daayaane Noloshuna rabbay kaa rabtaa, ruul la qaayibo e Raas caddaaladeed baa naflaha, raaxadii tahaye Meel kalood u raacdaaba waa, daw ragaad badane
Noloshii rafaad badanba waa, lagu raxaadaaye Raaf dillaaca ruux kastaaba waa, raran gubyoodaaye Guri raran leh raas dulin ka kacay, waad ka rogataaye Hoggaankii ruquusaana waa, raygalaa qarane
Raqdan ubadka baddu soo rogtaye, Rooma lagu daadshay Inta bahalku raamsaday dadkaa, dhidarku ruugaayo Raxan raxan maydkays barkaday, waa rag kaa maqane Waa runtoode rajo xumay lafaha, ugala rooreene Dan baw riixday inay raadiyaan, nolol ka door-roone
Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye
Intii lays riq-riqayaa hir kale, soo ruqaansadaye Ruux halkuu ka guuraba dar baa, lawdh ku soo roga e Rugtaad gacal ka riixdaba dar baa, reer ku soo fura e Wakhti aan ridnayn baa guryahan, ruush hantiyayaaye Rabboo caynsha mooyee ma ogi, raaftar kuu hadhaye Raad qabyaaladeed iyo jid kaad, raacday soo xidhanye Raasamaalka raandhiiska hadha, nolosha raadkeeda Riyadaadan reer hebel waxay, reebto la arkeeye Rajadaadii aayaha haddaad, sii rafacaysaaye Rawaxaadda uun dhawr dal aad, rahantay weeyaane.
Dhamaad
Related posts:Tacsi: Madaxweynaha JSL oo Shacabka Somaliland iyo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi ... Midhihii Ay Dhashay Doorashadii 13 nov 2017 Waxa ka Mid ah In Lagu Mashquulo Xanaftii Doorashada Iyo... Siyaasi/ Ganacsade Maxamed C. Bookh Oo Isbarbardhig Ku Sameeyay Kor Ku Kaca Ku Yimid Qiimaha Miciish... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|