Waxaynu Ognahay in Magacaabistii Gobolka Gabiley Taariikhda uu ku Astaysan Yahay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Wakhtigaasi oo Madaxweyne Siilaanyo uu ahaa Mucaaridka uu ku Taami Jiray Gobolka Gabiley anigaa Magacaabaya Odhan Jiray ay Gaadhayna Heer uu Yidhaahdo Gobolka Waxaan u Bixin Doonaa KULMIYE haddaba Maadaama ay Sidaasi Tahay Markii Daahir Rayaale uu Magacaabay Gobolka Gabiley Waxay ku ahayd Falaadh aan La Goyn karin inkastoo Dadweynaha Reer Gabiley Codkii ugu Badnaa ay Siiyeen Kulmiye .
Haddaba Maanta Gobolka Gabiley Aqoonyahanadiisa , Qurba Joogiisa , salaadiintiisa iyo dhamaantood ka Midaysan Yihiin Siddii Looga Midho dhalin lahaa Ansixinta Gobolnimaddiisa iyadoo Loo Baahanyahay in Gabiley Dakhliga ay soo Xarayso iyada dib loogu dhiso ayaa imanaysa maadaama ay Sidaasi Tahay Waxaa Gobolka Gabiley ay Doorkan Codkooda Siinayaan Cidda La Timaada Qorshahaasi Hadday Noqoto Xukuumadda ama Axsaabta Mucaaridka Hadba kii ku soo Horeeya ee ka dhabeeya ASixinta Gobolnimadooda oo ah Wax ay Xaq u leedahay oo La Duudsiiyay sidoo kalena ad moodo inay Shantii Xildhibaan ee Golaha Wakiiladda ahaa ee kasoo jeeday Gobolku inay Hurdaan ama aanay u qorsheysnayn inay Aqalka wakiiladda ku soo bandhigaan ..
La soco Qormadda Danbe
Qalinkii Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somalila