WAJAALE NEWS

Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo Oo Maanta Doortay Gudoomiye Cusub Iyo Xubnaha Gobolada Matalaya.DAAWO SAWIRO

Dalada ay ku midoobeen dhalinyarada somaliland (Sonyo) ayaa maanta markii u Horaysay dooratay Gudoomiye iyo ku xigeenkiisii

Hargeysa(Wajaalenews) Dalada ay ku midoobeen dhalinyarada somaliland (Sonyo) ayaa maanta markii u Horaysay dooratay Gudoomiye iyo ku xigeenkiisii ee hogaamin doona labada Sano ee soo socda.

Munaasibadan xilka loogu doortay hogaanka cusub ayaa ka dhacday xarunta dalada dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo, Xubnaha haysta aqlabiyada ergooyinka bixinaya codka lagu dooranayo gudoomiyaha dallada Sonyo oo Tiradeedu gaadhasay 66 xubnood ayaa waxay doorteen 17 broad ah iyo gudoomiye waxay si aqlabiyada ugu doorteen Siyaad Cumar Cali .

Ugu Horayn waxa halkaa hadalo waano iyo waxa tar isugu jira ka soo jeediyay gudoomiyihii hore ee xili xileedkiisu dhamaaday Mubaarig Ismaaciil Taani”dhamaan Ergooyinka shirgudoonka ka soo qaybgalay munaasibadan xilka loogu dooraya Golah todobaad. ee daladu yeelato

Waxaan maanta halkan u fadhinaa oo aan ka sheegaynaa in shirweynihii Sonyo khilaafaad iyo qalalase soo kala dhex galay in uu maanta dib u furmay,waxaan maanta halka ka cadayaynaa in aan dooranayo doorasho xalaal ah anaga gole ahaan waxa nugu waajiba in aanu wareejino xilkii iyo taladii aan idiin haynay kuna wareejin doono masuulka aad soo doorataan.

Geesta kale waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha cusub ee madasha lugu doortay Sayid Cumar Cali “dhamaan waxa mahad iska leh xubnaha kala duwan ee dalada Sonyo kuwii hore iyo kuwa imika la aasaasayo waxa ii sharafa in aan maanta si sharci ah ku noqdo kudoomiyaha Dalada Sonyo waxaan u shaqay donaa xubnahayag cusub si fiican oo hufnaan leh .”sidoo kale waxa hudoomiye ku xigeen loo doortay c/qani Maxamed Shiine oo ka soo jeeda gobalka Sool .

 

 

Dalada sonyo ayaa malmahan waxaa hakad galiyay khilaaf ay daba ka wadeen xubna kooban oo ku guul daraystay in ay si xalaala u tartamaan hore u diiday in ay gabi ahaanba gudaha u soo galaan hoolkii u shirku ka socday

Waxaa maanta suurto gashay in aqlabiyada dalada sonyo ay doortaan xubnaha golaha dhexe iyo gudomiye iyo kuxigenkii kuwaasi oo helay kalsoonida guud ahaan ururada dalada sonyo ka kooban tahay

Exit mobile version