WAJAALE NEWS

DAAWO;Musharaxa Madaxwayne Ee Ucid Oo Magaalada Hargeysa si balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay.

HARGEISA(Wajaalenews);Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa ka dib markii uu safar kaga soo laabtay wadamada Dibada siiba Maraykanka iyo Ingiriiska oo uu muddo ka maqnaa.

Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa carqaladeeyay Soo dhaweynta Musharaxa ka dib markii ay ka hor istaageen in Musharaxa iyo Gaadiidka ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa maraan Jidka hor mara Madaxtoodayada islamarkaana lagu amray inay ka leexdaan Isgoyska Bari ee Madaxtooyada.

Musharaxa,Madaxda Kale ee Xisbiga iyo Taageerayaasha la socday ayaa wakhtigaaasi ku sii jeeday Xarunta dhexe ee Xisbiga Ucid oo ay ku sii sugayeen Dadweyne halkaasi ku soo dhaweynayay Musharaxa.

Booliska ayaa Rasaaseeyay Weftiga Ucid, iyadoo Ciidamo tiro badan oo RRU ahna lagu jaray jidka islamarkaana in Muddo ah halkaasi lagu hor taagnaa ilaa markii dambe lagu khasbay inay ka wareegaan jidad ka fog halkaasi.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sheegay inay jiraan Dhaawacyo loo gaystay Taageerayaashooda iyo dad Boolisku xidhxidhay “Waxaanu Shacabka reer Somaliland ee wanaagsan u sheegaynaa in maanta Xukumaddu dhaawac iyo Khasaare u gaysatay Taageerayaasha Ucid badhna ay xidhan yihiin. Shalay ayaanu warqad u qornay oo aanu u sheegnay inay Ciidanka Booliska iyo ka nabad galyada wadooyinkaba ay nala socodsiiyaan in musharaxu soo degayo. Waxaanu la socodsiinaynaa in haddii ay 24 Saac ku soo dayn waayaan aanu Jeelka kala soo bixi doono” ayuu yidhi Xoghayaha Ucid ee Warfaafintu.

Sidoo kalena ku xigeenka Musharaxa Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in Ciidanka amaanka lagu amray in Ucid Wadooyinka laga horjoogsado “Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, waxaa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarada nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo Dariiqyada. Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxaa Xabsiyada ku xidhan XIldhibaanadii Bulshadu dooratay oo iyagoo aan Xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waa markii u horaysay ee Asxaabta Mucaaradka ah Boolisku ka hor istaago Jidka hor mara Madaxtooyada inkasta oo hore loogu diiday galista Madaarka iyo Bookhashada Gobolada, iyadoo aanay jirin wax mushkilad ah. Masuuliyiinta amaanka iyo Xukumadda toona kamay hadal arintan

 

Exit mobile version