WAJAALE NEWS

DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisii Oo Dalka Kusoo Guryo Noqday, Kana Warbixiyey Safarkoodii Djibouti

Hargeysa(Wajaalenews) Waftigii Ballaadhnaa ee uu Hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo ee Safarka shaqo ugu maqnaa dalka Djibouti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxana ay ka warbixiyeen Arrimihii ay ku maqnaayeen.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Garoonka Cigaal International Airport, waxana Halkaas kaga Hortagay Masuuliyiin uu Hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Shacab Tiro badan.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn Jabuuti oo aanu ka helay marti qaad aanu kula kulmaynay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekd Maxamuud iyo weftigiisa, anagoo ka wada hadlaynay danaha labada dal iyo wixii inaga dhexeeyay iyo wixii aynu isku khilaafsanayn, inagoo og inay yihiin dal aynu walaalo nahay oo aynu madax banaanideena kala noqonay oo haddana ay dunidu ay wada hadal inoo furtay oo aanu ka dhaadhicinaynaynay Qaddiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland”.

Waftigan Madaxweynuhu Hoggaaminayey ayaa mudd Laba Maalmood ah dalka dibadda kaga Maqnaa, waxana ay Magaalada Djibouti wada Hadallo kula lahaayeen Dhiggood Somalia, iyadoo ay Fadhiyadaana kasoo Baxeen Qoddobo qalinka lagu soo duugay.

Exit mobile version