HARGEISA(Wajaalenews);Gudoomiyaha Xisbiga UKIP ee dalka Britain Mr. Nigel Farage iyo Xildhibaan James Carver ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa golaha Sharci-dejinta ee Midowga Yurub u soo bandhigay inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland.
Guddoomiye Nigel iyo xildhibaan Carver oo shalay ka qayb-galay Fadhi baaralamaanka Yurub kaga doodayey Aqoonsiga dalka Falastiin, ayaa labadoodu iska daba-qaatay taageero ay ku dhiirri-gelinayeen Aqoonsiga Somaliland oo ay sheegeen inay u qalanto, isla markaana golahooda la soo hor-dhigo mooshin lagaga doodo Aqoonsiga Somaliland
“Waxaan muddo dheer taageersanaa madaxbanaanida dal kale oo muslim ah oo Somaliland la yidhaahdo, 3-dii bishii September, sannadkan waxaan Midowga Yurub ugu gudbiyey qoraal su’aal ku saabsan aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Carver oo hadalkiisa ku darsaday doodda shalay ka dhacday Baarlamaanka Midowga Yurub.
http://youtu.be/BiUm1YiEdMM