WAJAALE NEWS

Afhayeenka Waddani Oo Sheegay In Siyaasad Xumada Xukumaddu Abuurtay Xiisadda Awdal .

Hargeysa(Wajaalenews)-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,oo ka tirsan Golaha wakiilada ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukumadda ku Eedeeyay in siyaasad xumadeedu keentay Xiisadda ka taagan Gobolka Awdal. Waxa uu sheegay inaanu jirin Cadaw dibada ka yimid oo arintaasi lug ku leh balse ay tahay tabashada Xukumadda Siilaanyo ay Bulshadaasi ka qabto.

Suldaan Wabar oo ka tirsan Hogaanka dhaqanka Awdal ayaa Tabasho uu qabo darteed Duurka la galay Maleeshiyo islamarkaana ku dhawaaqay hadalo uu Somaliland kaga soo horjeedo, inkasta oo uu Jimcihii sheegay inuu ka digayo wax kasta oo dhiig data keenaya.

Xildhibaan Buubaa oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan aaminsan yihiin arintaasi cagta loo dhigo oo Maslaxad lagu dayo islamarkaana la xalliyo tabashadooda“Horta ka Xisbi ahaan waxaanu Bulshada Somaliland gaar ahaan Bulshada Reer Awdal ugu baaqaynaa in Nabada la ilaaliyo” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Buubaa waxa uu Xukumadda ku Eedeeyay arintan ka taagan Awdal “Waxaad la wada socoteen in Odayaasha iyo madaxdhaqameedka Awdal iyagoo Tabasho iyo Cabashaba qaba ay u yimaadeen Madaxweynaha, Cabashadoodii wax tixgalin ah oo haba yaraatee ay Xukumaddu siisay may jirin, islamarkaana waxay u magacaabeen Guddi wasiiro ah oo ay ku jiraan Wasiiraday ka cabanayeen qaarkood, markaa Xukumadda waanu ku cambaaraynaynaa siyaasad Xumadda ay kula dhaqantay Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, waana ta keentay in Suldaankaasi Cadho darteed Erayaadaas ugu dhawaaqo”

Xildhibaan Buubaa isagoo sii hadlaya waxa uu Eeda arintaasi dusha ka saaray Xukumadda “Waxaanu leenahay Arintaasi waxaa Masuuliyadeeda leh dambigeeduna saaran yahay Xukumadda Siilaanyo sababtoo ah iyadaa ka masuul ah guud ahaan Nabad galyada dalka.Cabashooyinka iyo tabashada ay qabaan waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Gobolada iyod egmooyinka dalka ka soo kala jeedaa qabaana xaq bay ugu leeyihiin inay Xukumaddu xalliso”

Suldaan Wabar oo shalay hadlay ayaa sheegay in halkii Ergo cabashadiisa kala xaajooda loo diri lahaa Gobolka Awdal lagu daadgureeyay Ciidamo tiro badan. Bulshada Reer Awdal ayaa hore u muujisay siday uga soo horjeedaan Ciidamada iyo Cududa ay Xukumaddu u adeegsanayso Suldaanka Duurka galay

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version