Ugu horayn waxaa mahadnaq iyo ugaaryeelid mudan Eebaheen,Sareeye, ee ii suurta galiyay inaan Awood, Karti iyo wakhti u helo Qoraalkan kooban oo hadaan allah(swt) ii saamixin, Ina siinin Caqli, Garasho, anaan waxba Qori karneen,Intaas kadib waxaan maanta waxyar ka odhan doonnaa ama isku baraarujin doonnaa waxqabbadkii iyo kaallintii fir fircoonnayd ee ay dhaqan yaqaankii soomaaliyeed kasoo qaateen Marxaladihii kala duwanaa ee ay soomaalidu soomartay haday noqoto Dagaal,Colaad,Guumaysi ladirir,Beelo kudagaalama Geel,Dhul daaqsimeedyo,Gabadh IWM, Sidii ay u xallin jireen xeerarkii ay u adeegsan jireen iyo dhaqan yaqaan kii wakhtigaas sidii uu xeerka u waa faqsiin jiray hadba xaaladda soo wajahda ama soo foodsaarta.
Aan ku bilaabo e’ somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaanaa shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn
- Cid isu garaabaysa
- Cid is-garmarinaysa
- Cid garanaysa gartii xeerbeegti lagu kala bixi jiray
- Sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagaajin jrtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan
- Hadday jirtona mataqaanno wixii waajibaad keeda ah
Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku wuu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:
- Garaw
- Dhaahin
- Xaal
- Muslax
- Gar-cadaawe
- Gar-shareeco
- Gar-xeerbeegti
- Gar-booli
- Ar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka soomaaliyeed wakhtigaas lahaa.
- Hadaba su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay ma dhaqan yaqaankii baa dhamaaday oo dhintay?
- Ma dawlad nimadaan ka doorbidnay dhaaqankii wanaagsanaa oo baabiisay?
- Ma qabyaaladaa wakhtigaas yarayd?
Su’aalahaas waxaan u dhaafayaa akhristayaaasha maqaalkani.
Sidoo kale guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan,
- Haddii ay muslax tahay
- Haddii ay kala dareerin tahay
- Haddii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jirtay wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.
Sidaas awgeed waxay ilatahay akhristayaal wakhtigan aan joogno waxaa inagu badan Hadimo taliska iyo dhuuni qaatayaasha siyaasadaysan ee haddana dhaqan yaqaanka sheeganaaya.
Somalidu waxay tidhaahdaa “Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado”. Laakiin dhaqan xumooyinka baryahan dambe soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.
Sidoo kale akhristayaal haddaan milicsanno wakhtiyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kamay badnaan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray “Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha aan ku jirin ayey soo gelinaysaa”, sidaa darteed hadii aad cid gar uqaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa” sidoo kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhi jirin sagaal awaw ama ubadkiisa, iyadoo dhinaca kalena uu bulshada dhexdeeda ka noqonayo nin ceebo iyo naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahdan “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”.
Sidoo kale akhristayaal aan tusaale usoo qaadanno balsidii loo kala saari jiray wakhtiyadii hore dadka is qabta.
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay u tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.
Akhrisstayaal imika miyay jiraan dad ay kala saaraan golaheena guurtidu?
Akhristayaal bal aan tusaale u soo qaadanno sidii ay guurtidii hore ama wax garatadii hore u kala saari jireen bulsho is qabata ama ay wax kala dhexmaraan, masalan cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo macneheedu tahay ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.
Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM.
Akhristayaal guntii iyo gaba-gabadii iyo gunaanadkii waxaan kusoo afmeerayaa qoraal kaygan guurtideenu ha gasho xaaladaha foosha-xun ee wakhtiyadan dambe kusoo kordhay bulshadeena reer somaliland ee beela beelaysiga iyo wax kala tabashada bulshada dhexdeeda saamaysay.
WABILAAHI TAWFIIQ
Q/W; Khadar Muxumed Muuse{Koodh}
Hargeisa,Somaliland